4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 3 , 2012
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo sheegay inuu isku diyaarinayo inuu xilka ku wareejiyo dowlad lasoo doortay

Khamiis, May 03, 2012 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay waddaa qorshe ay isugu diyaarinayso inay xukunka ku wareejiso dowlad lasoo doortay marka la gaaro bisha Ogoosto ee sannadkan, markaasoo ay dhammaanayso xilliga dowladda KMG ah ay shaqeynayso.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu xilka ku wareejiyo marka la gaaro Ogoosto dowlad lasoo doortay, inta ka horreysana ay ka shaqeynaynaa sidii ay ku dhameystiri lahaayeen howlaha horyaalla.

"Waxaan Al-shabaab ka qabsannay dhul badan. Waxay ku jiraan orod, Soomaalidu waxay ogaadeen inay yihiin dad aan dulqaad lahay," ayuu yiri C/weli Gaas oo intaa ku daray. "Ma ahan kuwo ku socda ajande Soomaaliyeed. Ajandahoodu waa mid shisheeye ay wataan. Al-shabaab waxay lumiyeen wanaaggii iyo maskaxdii ay u hayeen Shacabka Soomaaliyeed, waxayna sidoo kale lumiyeen dagaalkii."

Xukuumadda uu hoggaaminayo Mr. Cali ayaa wuxuu xilligeedu dhammaanayaa marka la gaaro bisha Ogoosto ee sannadkan, iyadoo laba todobaad ka hor dhameystirtay qoraalka dastuurka cusub ee Soomaaliya ay yeelanayso, inkastoo uu muran weyni ka taagan yahay.

"Waxaan sameysannay qorshe aan kaga baxayno xilliga KMG ah. Sababihii fashiliyay xukuumadihii hore waxay ahaayeen inaysan lahayn hab-shaqo oo haga, taasoo ku hagtay meesha ay hadda aadeen," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo raaciyay hadalkiisa. "Hadda waxaan leennahay hab-shaqo, waana qorshe waqti leh oo aan ku dhameynayno howsha noo harsan."

Wakiillada la xulayo ayuu sheegay ra'iisul wasaaruhu inay yihiin kuwii soo dooran lahaa xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya marka la gaaro bisha Luuliyo ee sannadkan, markaasoo xilliga dowladda uu ka dhiman tahay muddo bil ah.

"Qofna ma rumeysnayn toddoba bilood ka hor in magaalada Muqdisho oo dhan ay noqonayso nabad," ayuu ra'iisul wasaaruhu hadalkiisa ku daray, isagoo mar kale yiri: "Waxaan leennahay dal taariikh wanaagsan leh, goor dhow ayaana ka bixi doonnaa fowdada, waxaana rajeynaynaa mustaqbalka dhow in Soomaaliya oo nabad ah ay dariskeeda kula noolaato nabadgalyo."

Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu cambaareeyay weerarkii ka dhacay degmada Dhuusomareeb ee lagu dilay laba xildhibaan, laguna dhaawacay xidhibaanno kale, siyaasiyiin iyo dad kale oo shacab ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya