4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 3 , 2012
Munaasabad lagu Xusayay Maalinta Xoriyatul-Qawlka Dunida oo Maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa ee Somaliland (SAWIRRO)


Khamiis, May 03, 2012 (HOL) — Maalinta xoriyatul qawlka aduunka ayaa si weyn loogu xusay magaaladda Hargeysa ee Somaliland, kaas oo ay ka soo qaybgaleen suxufiyiinta ka hawlgalla magaaladda Hargeysa iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE.

Munaasibadan loogu dabaaldegayo maalinta xoriyadda aduunka oo ay soo qabanqaabiyey ururka suxufiyiinta Somaliland (SOLJA),ayaa maanta lagu qabtay hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa, Waxaannay halkaasi ku soo bandhigeen tacayaddiyo ay sheegeen inay xukuumadda Somaliland kula kacday suxufiyiinta Somaliland, waxaanay tilmaameen inay sanadkani yahay kii ugu darnaa ee tacidiyo kala duwan loogu gasyto Wariyeyaasha somaliland.

Xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta Somaliland SOLJA Mr:Maxamed Rashiid Muxumed Faarax ayaa sheegay in sanadkan 51 suxufi lagu xidhay goboladda somaliland, isla markaana qaarkood tacadiyo jidh dil ah loo gaystay,waxaanay xukuumadda ugu baaqeen inay suxufiyiinta laga daayo dhibaatadda loo gaysanayo, isla markaanna la xormeeyo, haddii uu dambi galena si wanaagsan loola dhaqmo.


Gudoomiyaha ururka saxaafadda Somaliland, Mr:Xasan Maxamed Yuusuf ayaa isna ka waramay maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay xoriyadda somaliland, isagoo xusay in markii ugu horaysay tiro intaas leeg oo suxufi ah lagu somaliland, waxaanu wasiirka Warfaafinta ku booriyey inuu wax ka qabto isku xidhka xukuumadda iyo warbaahinta, wixii dhibaato ahna uu xaliyo.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe),ayaa isna balanqaaday in wixii dhibaato ah ee jira uu xalin doono waxbadanna ka qaban doono, isagoo soo dhoweeyey wixii dhaliil ah ee wax lagu saxayo.

Sidoo kale, waxa isagun halkaasi ka hadlay gudoomiyaha xisbi muxaafadka ee KULMIYE Mr:Muuse Biixi Cabdi oo ka waramay wakhtigii uu wasiirka arrimaha gudaha ahaa ee dalka la soo galay wakhti uu wariye Xidhay, isla markaana sheegay in aanay ilaa hadda aanay ka hadhin colaadii barigaa warbaahinta ka galay, isagoo tilmaamay inay aqoondaro ka ahayd oo aanu fahansanayn warbaahinta iyo shaqadeedda, balse markii dambe wax badan ka faa’iiday.


Gudoomiye Muuse waxa kale oo uu sheegay inuu ku barbaaray wakhti la is cabudhiyo, isla markaana dadku aanay xoriyad u hadli jirin, sidaa darteed uu imika ilaaliyo xoriyadda saxaafadda,kana soo horjeeddo in la cabudhiyo, maadaama oo bulshaddda kaalin weyn kaga jiraan.

"waxaan idiin ogolahay inaad noqotaad dad dalka wax ka dhisa, waxaana tihiin macalimiin siyaasiyiina oo wax na bara, maadaama oo da’waliba idin dhagaysanayso"ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse biixi, waxaanu intaas ku daray "suxufiyiin la xidhay iyo suxufiyiin baa lala dagaalamay sandonkii sanadood ee u dambeeyey arrintaasi waan ka dagaalamayey oo garabkiina ayaanu taagneen ee imika maxaa dhacay maxaa keenay cabashaddan"ayuu raaciyey Gudoomiye Biixi.

Maalinta bisha May 3-deedda ayaa loo dabaal degaa maalinta xoriyadda aduunka, waxaana saxaafadda somaliland kala qaybgalaysaa weynaynta xoriyadda saxaafadda.




Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland