4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 29, 2012
Gabar Soomaaliyeed oo Tababare ah oo Kooxdeeda ay ka dhex muuqato Koobka NSC Cup oo ka socda City of Blaine Mn (SAWIRRO)

Gabdho2.jpg

Talaado, May 29, 2012 (HOL) - Waxaa May 26 - 28, 2012  ka furmey magaalada Blaine ee Gobolka Minnesota USA koobka lagu magacaabo National Sports Center Cup ( NSC Cup) . Koobkan oo ah kii 20-aad ee Midwest's premier Memorial Day tournament gaar ahaan kubadda Cagta ( NSC Cup Soccer Tournament ) ayaa inta badan waxaa Tartan ku dhexmaraa Iskuuladda isugu soo hara ama soo gaara Cayaaraha kama danbeysta ah (Semi-Finals) .

Gabdho3.jpg
Tababare Fartuun Cismaan (Ali-dheere)

Tababare Fartuun Cismaan (Ali-dheere) oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa macallin ama tababare u ah kooxda Kubadda Cagta ee Iskuulka Higher Ground Academy Red Fox ( HGA Red Fox), kooxdaas oo ah Gabdho Somali-American da´dooduna tahay 14 Sanno(Girls & Age = 14). Ciyaarihii  Kooxda HGA Red Fox ayaa  waxay ahaayeen kuwo aad u xiiso badan soona jiitey dadweynihii ka qayb galay, ayagoo muujiyey kooxdaasi cayaar- wanaag iyo karti labadaba. Waxayna ku guulaysteen laba ciyaarood oo ka mid ah kuwii ay dheeleen waxaana u harey weli ciyaaro kale.

Tababare Fartuun Cismaan oo tababarta Gabdhaha da´doou u dhaxeyso  8 ilaa 16 Sanno Ciyaaro kala gedisan (Soccer, Basketball & Athletics) ayaa Masuuliyiinta iyo Qoomiyadaha kala duwan ee ku nool Gobolka Minnesota ay aad indhahooda u soo jiidatay Gabdho yaryar oo Somali-American ah oo Ciyaaro kala duwan Ciyaaraya sida Kubadda Cagta, Kubadda Gacanta iyo Ciyaaraha Fudud ( Soccer,basketball & Athletics) kuwaas oo xidhan khimaarka ay gabdhaha maslimiintu madaxa ku duubtaan.

Gabdho5.jpg

Tababare Fartuun Cismaan ayaa Sidoo kale waxaa ay muddo dheer la shaqaynaysay Urban Youth Leadership connection/MN Thunder Plus iyo Higher Ground Academy,   2006-diina waxay ku  guulaysatay shahaadada E license oo ah aqoonsi tababaranimo ee kubadda Cagta. Waxay kaloo marar badan ku heshay abaal marino caalami ah sida Abaal marinta Virginia Mcknight Binger Human services Award

Fartuun Cismaan (Ali-dheere)  oo ka mid ahayd Ciyaartoogii heerka kowaad Kubadda Basketball ee Naadiga Muqdisho, kuwii Xiddigaha iyo Xulka Qaranka ee Soomaaliyeed ayaa Sidoo kale waxay ahaan jirtey Ciyaartoogii Ciyaaraha fudud( Athletics) sida Oradada 1500m, 400m oo ay kaalimo fiican ka soo gashay oo heer Caalami ah.

Gabdho4.jpg
Gabdho.jpg
 
City of Blaine, Minnesota. USA