4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 29, 2012
Saraakiisha Ciidamada Ammaanka DKMG oo soo bandhigay Ruux mayd ah iyo Qof nool oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Al-shabaab

Talaado, May 29, 2012 (HOL) — Labadan ruux oo midkood uu mayd ahaa ayaa lagu soo bandhigay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyadoo saraakiisha dowladda ee halkaas ka hadlay ay sheegeen in midka maydka ah uu isku dayay inuu baxsado ciidamaduna ay toogteen.

Saraakiisha goobta ka hadlay ayaa waxay sheegeen in howlgallada ay dhaceen saakay uuna ninka la dilay uu doonayay inuu bac bambooyin ah ku wareejiyo nin kale oo suuqa u joogay, si suuqa looga abuuro falal ammaan-darro, iyadoo ruuxa kale ee noolna uu gudaha suuqa Bakaaraha ku toogtay ruux rayid ah.

"Ciidamada dowladda waxay ku guuleysateen inay ka hortagaan falal ammaan-darro ah oo uu doonayay inuu suuqa ka geysto ninkan maydka ah oo dusha ay ka saaran yihiin bambooyinka, waxaan xog ku helnay inuu suuqa u waday bambooyin si uu ugu qaybiyo rag u jooga; waxaana lagu dhigay gacanta isaga iyo ninkii uu bambooyinka u dhiibayay, balse isaga ayaa isku dayay inuu baxsado isagoo is-difaacaya, taasna waxay keentay in ciidamadu ay toogtaan," ayuu yiri taliyaha nabad-sugidda gobolka Banaadir, Col. Khaliif Axmed Ereg oo saxaafadda kula hadlay suuqa.

Afhayeenka ciidanka booliiska ahna taliyaha hay'adda dambi-baarista ee booliiska Soomaaliya, G/sare Cabdullaahi Xasan Bariise oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay in ciidamada ammaanka dowladdu ay xoogga saarayaan sidii ammaanka suuqa loo adkeyn lahaa.

"Nin ayaa wuxuu yiri waxaan ku siinayaa 200-dollar ee dil ninkaas, bastoolad ayuu ii dhiibay markaan xabbadii koowaad ku dhuftay ayuu isaguna xabbadii labaad ku dhuftay," ayuu yiri ruuxa nool ee lasoo bandhigay, kaasoo qofka rayidka ah ku dilay gudaha Bakaaraha.

Wiilka nool ee lasoo bandhigay oo la weydiiyay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab iyo in kale ayaa sheegay inuu horay uga tirsanaa balse uu mar hore kasoo goostay.

Ugu dambeyn, saraakiisha dowladda KMG ah ayaa waxay sheegeen in ruuxan nool la horgeyn doono sharciga, sidoo kalena la aasi doono ruuxa kale ee maydka ah, iyadoo aysan jirin wax hadal ah oo arrintan ku saabsan oo kasoo baxay dhinaca Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya