4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 29, 2012
Shirka Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka oo ka socda Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga (DAAWO SAWIRRO)


Talaado, May 29, 2012(HOL): Shirkii odayaasha dhaqanka iyo ururada Bulshada Rayidka ah ayaa si habsami leh uga soconaya magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga halkaasoo ay ku shirsan yihiin ku dhowaad 400 oo ergooyin kala matalaya qeybaha Bulshada Rayidka, Qurba joogta, Odayaasha dhaqanka, Culimaa’udiinka, waxgaradka iyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Shirkan oo furmay 27-kii bishan ayaa waxaa looga hadlayaa aayaha dalka iyo dowladda oo wajaheysa marxalad kala guur ah, waxaana odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidku ay si guud maalintii hore uga shireen xaaladda dalka iyo marxalada kala guurka ah, iyagoo maanta saacadihii hore isugu yimid shir guud abaara duhuradiina loo kala qeybiyay afar qeybood oo kala ah:

Kooxda koowaad;- Siyaasada guud ee dalka (Political)

Kooxda labaad:- Arrimaha Bulshada (Civil Society)

Kooxda Saddexaad:- Dib u soo celinta iyo hagaajinta Dhaqaalaha dalka (Economic Recovery)

Kooxda Afaraad:- Ammaanka iyo xasilinta dalka (Security and Stabilization)


Kooxahan ayaa waxa ay ku kala shirareen saacadihii ugu dambeeyey hoolal waaweyn oo loo diyaariyay ,yadoo doodo dhaadheer oo adadag ay dhex mareen, waxaana ugu dambeyntii lagu gabal dhacsaday iyada oo ay weli si habsami leh u soconayaan doodahaasi iyo fikir isu keenista qeybahaas aan kor ku soo xulnay.

Intii uu socday shirka guud ayaa waxaa khudbado ka jeediyay goobta xubno uu ka mid ahaa C/risaaq Xaaji Xuseen oo ah Ra’iisul Wasaarihii ugu horeeyey ee dalka Soomaaliya ayaa waxa uu ku boorriyay qeybaha shirkan inay xoogga saaraan natiijo wax ku ool ah oo lagu hago dalka, isaga oo fikirkiisana ka dhiibtay Qabyo qoraalka Dastuurka waxa uuna ku taliyay in la qaato Dastuurkii 1960-kii oo uu sheegay inuu yahay Dastuur afti dadweyne heysta isla markaana ka wanaagsan midka haatan la diyaariyay.

Qeybahan loo kala saaray ergooyinka ayaa waxaa dusha kala socday guddiyo Xiriiriyeyaal iyo Aqoonyahano ah (Experts), kuwaasoo isu duwi doona qaabka ugu haboon ee farsamo ahaan la isugu keeni doono fikirada iyo talooyinka odayaasha dhaqanka, Bulshada Rayidka ah iyo culimada, waxaana la filayaa in gabogabada shirka oo ku aadan bishan June 2-deeda in la hor geeyo shirka Caalamiga ah ee madaxda dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, matalayaasha beesha Caalamka iyo dowladda martigelineysa shirka ee Turkigu ku yeelan doonaan isla magaaladan Istanbul.

Sido kale, maalinta berri ah ayaa la filayaa inay soo gaaraan magaalada Istanbul wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaali Dr. Cabdiweli Maxamed Cali kuwaasoo ka soo kicitimaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana la filayaa in maalinta ku xigta uu soo gaaro madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wefdi kale oo uu hogaaminayo kuwaasoo isu diyaarinaya shirka June 3 ka furmaya Istanbul.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa saaka u dhoofay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga halkaasoo uu kula balansanaa guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalka Turkiga iyaga oo ka wada hadli doona labada guddoomiye hagaajinta xiriirka labada dal iyo horumarinta Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Warsaxaafadeed ay maanta soo saartay Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ayayay ku sheegtay inay ku faraxsantahay qabsoomidda shirkan isla markaana ay ka rajeynayaan in matalayaasha Soomaalidu ay muujiyaan mas’uuliyad iyo taxadar dheeri ah si looga gudbo marxaladda kala guurka ah iyada oo la raacayo wadada jeexan ee uu tilmaamayo Roudmapka kaasoo lagu dhameynayo marxaladda kala guurka ah, iyo sidoo kale heshiisyadii Garowe1, Garowe2, Gaalkacyo Agreement, Shirka odayaasha ee weli soconaya iyo Addis ababa Comminique’. Waxayna dhanka kale u mahadcelisay dowladda Turkiga oo qabatay kulankan.








Garaad Salaad Xirsi
Istanbul, Turkey
[email protected]