4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 29, 2012
Duqeyn ku socota Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose

Talaado, May 29, 2012 (HOL) — Maraakiib nooca dagaalka oo aan ilaa imika la garaneyn cida iska leh ayaa saaka duqeymo ba'an ku wada Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose, iyadoona duqeymahaasi ay sababeen qasaarooyin lixaad leh.

Goobjooge ku sugan Kismaayo oo ay HOL ka wareysatay Duqeynta ayaa sheegay in Maraakiib Dhowr ay ay safanyihiin xeebta Liido iyo Calanleey ee magaalada Kismaayo iyadoona Maraakiibtaasi ay ridayaan gantaallo aad u cul-culus.

"Duqeyntii saaka magaalada ku bilaabatay ilaa hada way socotaa, gantaaladana waxay kusoo dhacayaan xaafadaha Calanleey, Dabadhanaan iyo Xaafadda Mariino," ayuu goobjooguhu hadalkiisii ku daray.

Xaafadda Dabadhanaan ayaa la sheegay in gantaal uu ku dhacay guri ay daganaayeen dad rayid ah, waxaana gantaalkaasi ku dhintay wiilyar halka ay dhaawacyo kasoo gaareen laba qof oo kale.

Khasaaraha ka dhashay duqeynta ayaa lagu soo waramayaa in uu aad u badanyahay, walow aan ilaa imika la heyn tirada rasmiga ah ee dadka ku waxyeeloobay, waxaana weli magaalada ku socoto duqeynta.

Xaafado ka tirsan magaalada ayaa waxa kasocdo barakac aad u xooggan, iyadoona dadku ay beegsanayaan xaafadaha ka fog fog goobaha ay duqeynta ku socoto.

Xoogagga Al-shababa ayaa iyaguna madaafiic ku ridaya maraakiibta dagaal, waxaana guud ahaan magaalada siweyn looga maqlayaa daryanka madaafiicda ay isku ridayaan labada dhinac.

Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin katirsan Al-shabaab oo ka hadlay duqeynta iyo weliba khasaaraha ka dhashay, waxaana sidoo kale la ogeyn cida rasmiga ah ee iska leh maraakiibta duqeynta ka geysaneysa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya