4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 24, 2012
Hay'adda Nabad-sugidda DKMG ah oo soo bandhigtay wiil uu dhalay Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo kusoo biiray Dowladda

Khamiis, May 24, 2012 (HOL) — Hay’adda nabad-sugidda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay maanta wiil sheegay inuu dhalay guddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Shabeellada dhexe, Sheekh Yuusuf Ciise Axmed (Kabo-kutukade).

Wiilkaan oo magaciisa ku sheegay Axmed Sheekh Yuusuf ayaa wuxuu sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab ee gobolka shabeellada dhexe isla markaana uu ka mid ahaa saraakiisah ammaanka, isagoo sheegay inuu ogaaday inuu ahaa mid ku taagan khalad uuna sidaas ugu soo biiray dowladda.

"Aabbahay iyo saraakiisha kale ee Al-shabaab waxaan ugu baaqayaa inay dagaalka joojiyaan oo ay kusoo biiray dowladda Soomaaliya," ayuu yiri Axmed Sheekh Yuusuf oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu dowladda kusoo biiro.

Taliyaha ciidamada nabad-sugida dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in isi soo dhiibidda wiilkan ay ka dambeysay dadaal badan oo ay dowladdu u gashay sidii ay ugu qancin lahayd inuu kusoo biiro dhankood ayna ku guuleysteen.

"Dhallinyarada kale ee ku jira Al-shabaab waxaan ugu baaqayaa inay dowlada kusoo biiraan," ayuu yiri Ereg oo sheegay inay ka go'an tahay inay soo dhaweeyaan cid walba oo doonaysa inay dhinacooda kusoo biirto.

Ugu dambayn, saraakiisha ciidamada nabad sugida DKMG waxay sheegeen in dadaal badan ay ugu jiraan sidii ay u soo xero-galin lahaayeen saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo uu ka mid yahay Sheekh Yuusuf Kabo-kutukade.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Xarakada Al-shabaab iyo Sheekh Kaba-kutukade oo ku saabsan wiilkan lasoo bandhigay ee la sheegay inuu kasoo goostay, iyadoo ay tani kusoo beegmayso xilli ay dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada DKMG ah iyo kuwa Al-shabaab ka socdaan Koonfurta iyo Galbeedka magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya