4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 24, 2012
JENERAAL CAANOOD: "Jidka Xiriiriya Muqdisho iyo Degmada Afgooye waa xiran yahay inta ammaanka laga sugayo"

Khamiis, May 24, 2012 (HOL) — Taliyaha gaaska koowaad ee ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya, Jen. C/llaahi Cali Caanood oo sheegay inuu ku sugan yahay baar Ismaaciil oo ah halka laga galo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay inuu xiran yahay jidka xiriiriya degmooyinka Afgooye iyo Muqdisho.

Jen. Caanood wuxuu sheegay inuu dagaal socdo, ayna gaadiidka ugu baaqayaa in jidkaas ay soo maraan, wuxuuna sarkaalku sheegay in maanta ay rajeynayaan inay gudaha u galaan degmada Afgooye.

"Waddada u dhexeysa Afgooye iyo Muqdisho waa xiran tahay, gaadiidkuna iyo dadka waa inay ka taxadaraan inay isticmaalaan," ayuu yiri Jen. Caanood oo aan sheegin xilliga uu rajeynayo inay dib u furaan.

Xarakada Al-shabaab ayaa tan iyo shalay waxay xoogageedu ka baxyeen saldhigyo ay ku lahaayeen deegaannada u dhexeeya Afgooye iyo Muqdisho iyagoo u gurtay dhinaca gobolka Shabeellada Hoose.

Degmada Afgooye ayaa waxay noqonaysaa degmadii ugu horreysay oo ka baxsan Muqdisho ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ay ka qabsadaan xoogagga Al-shabaab oo muddo saddex sano ah ay la dagaalamayeen.

Xiritaanka waddadan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dadweyne badan ay ku sugan yihiin deegaannada loo barakacay kuwaasoo doonaya inay kasoo barakacaan deegaannadaas si aysan waxyeello uga soo gaarin hubka ay labada dhinac is-dhaafsanayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya