4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 24, 2012
Saraakiisha Ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM oo sheegay in ay qarka u saaran yihiin Degmada Afgooye

Khamiis, May 24, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ay billaabay inay baneeyaan saldhigyo ay degmada Afgooye ku lahaayeen halkaasoo ahayd goobaha ay awoodda badan ku lahaayeen tan iyo markii ay ka baxeen Muqdisho sannadkii hore.

Dhawaqa rasaasta fudud iyo midda culus ayaa maalintii saddexaad laga maqlayaa deegaannada dhexeeya magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose halkaasoo ay saraakiisha dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM sheegeen inay ciidamadoodu sii dhaafayaan.

Kumannaan qoys oo deegaannadaas ku noolaa ayaa iyaguna billaabay inay isaga baxaan deegaannadaas si aysan saameyn ugu yeelan rasaasta iyo madaafiicda ay is-dhaafsanayaan dhinacyada hardamaya.

"Masaafo yar ayaan u jirnaa degmada Afgooye, waxaana rajeynaynaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhameystirno howlgalka," ayuu yiri Jen. C/llaahi Cusmaan Cagey oo ka mid ah saraakiisha ciidamada DKMG ah ee hoggaaminaya dagaalka.

Jen. Cagey, wuxuu sheegay in dadka ku nool deegaannadaas ay ku boorinayaan in ay ku sugnaadaan guryahooda inta uu howlgalku dhammaanyo, isagoo xusay inay howgalladu ka socdaan daafaha jidka dheer ee isku xira Afgooye iyo Muqdisho iyo jidka dheer ee isku xira Afgooye iyo Muqdisho.

Afhayeenno u hadlay Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay inay ka hortageen weerarro ay kusoo qaadeen ciidamada dowladda KMG ah ayna ku dileen dagaalka ciidammo badan oo isugu jira kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Dhanka kale, taliyaha AMISOM, Jen. Andrew Gutti iyo afhayeenkooda, Col. Paddy Ankunda ayaa labadaba waxay sheegeen in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay degmada Afgooye u jiraan afar kiiloo-mitir ayna ku gaari doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Mas'uuliyiinta AMISOM ayaa sheegay in dagaalka ay ugu magac-dareen xoreynta Shabeelle ay ku dhammaan doonaan guulo, iyadoo dagaallo ay ka socdaan dhowr jaho oo ay isaga soo horjeedaan ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya