4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 24, 2012
Dabley hubeysan oo Degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho ku dishay Mid ka mid ah Wariyeyaasha Idaacadda Shabelle

Khamiis, May 24, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan la garanayn ayaa ku dilay suuq-boocle oo ka tirsan degmada Dharkeynley wariye Axmed Caddoow Canshuur oo ka tirsanaa wariyeyaasha idaacadda Shabeelle.

Wariyahan ayaa wuxuu noqonayaa kii saddexaad oo laga dilo sannadkan oo keliya laga dilo idaacadda Shabeelle oo ka mid ah idaacadaha madax-bannaan ee ka howl-gala Muqdisho, iyadoo la ogyahay in bishii Jannaayo lagu dilay xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir agaasimihii Shabeelle Xasan Fantaastik; sidoo kale bishii hore ayaa lagu dilay Baladweyne wariye kale oo ka tirsan idaacaddan.

"Wariye Canshuur waxyar ka hor ayuu ka tagay Idaacadda, waxaana nasoo gaaray warka ku saabsan dilkiisa," ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha idaacadda oo dilka ka hadlayay, iyadoo howlihii idaacadda la joojiyay.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay dilka wariyaha, waxaana tani ay kusoo beegmaysaa iyadoo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu toddobadkii lasoo dhaafay ka sheegay shir xorriyatul-qowlka looga hadlay oo ka dhacay Muqdisho inaysan DKMG ah ogolaanayn in suxufiyiinta waxyeello loo geysto.

Dilka wariye Canshuur ayaa wuxuu ka dhigayaa wariyeyaashii lagu dilay Soomaaliya sannadkan 2012 kii wariyihii lixaad, iyadoo saddex ka mid ah wariyeyaashan lagu dilay Muqdisho, laba ka mid ah waxaa lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug iyo mid lagu dilay Baladweyne.

Ma jiro cid loo qabtay dilka wariyahan, waxaana sidoo kale dil ka badbaaday bishii hore wariye Muxyadiin Xasan Maxamed (Xusni) oo ka mid ahaa wariyeyaasha radio Shabeelle, kaasoo ugu dambeyn isaga tagay Muqdisho; haddana ku sugan magaalada Nairobi.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya