Arbaco, May 23, 2012 (HOL) — Deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu soo bandhigay askari ka mid ah ciidamada AMISOM oo la sheegay in lagu dilay dagaalkii shalay, iyadoo sidoo kale deegaankaas ay dadkii ku noolaa ka barakacayaan.
Goobjoogayaal ku sugan deegaankaas ayaa HOL u sheegay in askariga lagu jiiday jidka dheer ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayna halkaas isugu soo baxeen dad aad u fara badan si ay maydka u arkaan.
Sidoo kale, goobjoogayaasha ayaa waxay sheegeen inay jiraan dad deegaankaas ka barakacaya, kuwaasoo u socda deegaannada kale ee gobolka Shabeellada hoose iyagoo ka baqdin qaba inay dagaalladu soo gaaraan.
"Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay Ceelasha si ay u arkaan maydka askariga AMISOM ee dagaalka lagu dilay, sidoo kale waxaa jira dad barakacaya," ayuu yiri goobjooge magaciisa ka gaabsaday inuu sheego.
Dhanka kale, goobjoogayaasha ku sugan deegaanka Ceelasha biyaha ayaa waxay sheegayaan in lagu arkayo degaankaas ciidammo fara badan oo kuwa Al-shabaab ah, kuwaasoo ku wajahan deegaannadii ay dagaalladu ka dhaceen.
Jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo saakay xirmay ayaa waxaa dib loo furay baqonimadii maanta, iyadoo gaadiidka ay si caadi ah u marayaan, iyadoo AMISOM saraakiishoodu ay sheegeen inay dagaalka sii wadayaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Maydka Askari ka mid ah AMISOM oo lagu soo bandhigay Ceelasha-Biyaha iyo Barakac deegaankaas ka socda
More News
- Ciidamada Ammaanka Degmada C/casiis oo soo qabtay Rag watay Khamri Baakado ku jira (SAWIRRO)
- RAJO QARANNIMO: “Muqdisho waa sidee 21 sano oo dagaal sokeeye ah kadib”? (DAAWO SAWIRRO)
- Wafdi ka socda hay’adda USAID oo maanta gaaray magaalada Beledweyne
- Ugaas Cusub oo ay yeeshaan beelaha Degga Waqooyiga Hargeysa oo magaaladda Hargeysa lagu Caleemo Saaray
- Ku-simaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo booqday Arday wax ku barta Dugsiga H/Dhexe iyo Sare ee Xamar Jajab
- Qaxootiga ku Jira Xerooyinka Dhadhaab oo ka Cabanaya Kooxo Burcad ah oo Dhibaato Ba'an ku Haya
- Hogaamiyaasha Dhaqanka oo Dhaliilay Hab Socodka Shirka Odayaasha-Dhaqanka ee Muqdisho ka socda
- Qoysaskii hore uga Barakacay Deegaanka Hoosingoow ee Gobolka Jubbada Hoose oo dib ugu laabanaya Guryahooda
- Xukuumadda KMG Soomaaliya oo sheegtay inay baarayso Warbaahinta Qaarkeed oo faafiyay warar ka dhan ah Nabadda
- DAAWO SAWIRRADA Goobihii ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ee Soomaliya ku tageen Dagaalkii Shalay
- Saraakiisha Xarakada Al-shabaab iyo kuwa AMISOM oo ka hadlay dagaalkii shalay ku dhexmaray Duleedka Muqdisho
- Madaxda Soomaalida ee ku shirsan Itoobiya oo isku fahmi la'a qodobbo ka mid ah Dastuurka iyo Xulidda Ergooyinka