4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 22, 2012
Dowladda Soomaaliya oo Ururada Bulshada Rayidka ka dalbaday inay kala shaqeyaan Meel-marinta Roadmap-ka

Talaado, May 22, 2012 (HOL) — Wasiirka ganacsiga xukuumadda Soomaaliya ahna ku simaha ra'iisul wasaaraha, C/wahaab Ugaas Xuseen oo maanta Muqdisho kulan kula yeeshay ururrada bulshada rayidka ah ayaa ka dalbaday inay xukuumadda ka gacan-siiyaan meel marinta Roadmap-ka, ansixinta dastuurka iyo amniga oo lasoo celiyo.

Wasiirku wuxuu sheegay in dastuurka cusub ee Soomaaliya uu la mid yahay ama ka wanaagsan yahay dastuurkii 1960-kii, isla markaana shacabka Soomaaliyeed loo soo bandhigi doono toddobaadyada soo socdo si tuhunada la gelinayo ay u arkaan inay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in ururada bulshada ah ay yihiin laf-dhabarkii ummadda loogana baahan yahay inay gacan siiyaan xukuumadda sidi horumar looga gaari lahaa meel marinta qodobbada horyaalla dowladda.

"Waqti adag ayaa lagu jiraa; waqtigaan adagna ma ahan mid dowladda kaliya xil ka saaran yahay wax ka qabashada dalka, balse urarrada bulshada rayidka waa kuwii garbo u noqon lahaa sidii looga bixi lahaa waqtigaa adag ayna dowladdu diyaar u tahay in talo iyo tusaale ay ka qaadato ururada bulshada," ayuu yiri wasiirka.

Dhinaca kale, wasiirku wuxuu tilmaamay in dowladda ay ku adag tahay soo celinta amaanka dalka, balse indhihii dowladda ay yihiin shacabka haddii aysan sheegin cid walba oo dhibaato wadda aysan dowladdu waxba arki karin. Isagoo sheegay in looga baahan yahay bulshada rayidka inay si wanaagsan ula shaqeeyaan DKMG ah si loogu guuleysto sugidda ammaanka.

"Waad xasuusataa markii aan imaanaynay bishii July, 2011 waxaa Muqdisho gacnta ku hayay nimankii dhibka badnaa oo ummadda dhibaatada ku hayay Al-Shabaab, maantana Ilaahay mahaddii Muqdisho iyo gobalada dalka qaarkood waa laga saaray, waxayna ku timid doorka ay qaateen ururrada bulshada rayidka," ayuu wasiirku u sheegay xubnihii uu la kulmay.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu u sheegay in ururrada bulshada rayidka in Roadmap-ka looga bixi doono KMG-nimada, isla markaana ay odoyaasha-dhaqanka u joogaan Muqdisho sidii KMG-nimada looga bixi lahaa taasina waxay ku timid buu yiri isku-tashi, kalsooni iyo dhabar adayg.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya