4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 22, 2012
Dagaallo u dhexeeya Ciidamada DKMG, AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab oo saakay ka qarxay Degmada Dayniile

Talaado, May 22, 2012 (HOL) — Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada DKMG ah oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo xoogaga Xarakada Al-shabaab ayaa saakay ka qarxay degmada Dayniile, iyadoo dhinacadu ay isku adeegsanayeen hubka culus iyo midka fudud.

Goobjoogayaal ku sugan duleedka Muqdisho ayaa sheegay inay si aad ah u maqlayaan rasaasta dhinacyadu ay is-weydaarsanayaan, waxaana deegaannada lagu dagaalamayo ay ahaayeen kuwo ay dadkii deggenaa horay uga barakaceen.

Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay inay ka warhayeen dagaalka ayna u diyaariyeen ciidammo ka hortaga, iyadoo saraakiisha dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM aysan weli ka hadin dagaalka.

Dagaalkan ayaa billowday markii ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay weerarro ku qaadeen deegaanno ay degmada Dayniile kaga sugnaayeen xoogagga Al-shabaab, lamana oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo muddo saacado ah socda.

Mas'uuliyiinta dowladda KMG ah ayaa waxay horay u sheegeen inay weerar ku yihiin deegaannada ka baxsan Muqdisho sida Ceelasha biyaha oo ay sheegeen inay yihiin goobaha laga soo abaabulo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Weerarka ay saakay qaadeen ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa waxay kusoo beegmayaan xilli ay dowladdu ciidammo badan ku daabulaysay labadii maalmood ee lasoo dhaafay duleedyada aagagga ay isku horfadhiyaan Al-shabaab.

Jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa si caadi ah u shaqeynaya, iyadoo dadka weli ku sugan deegaannada loo barakacay ay walaac xooggan ka muujinayaan dagaalka saakay qarxay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya