4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 21, 2012
Gaari ay wateen Ciidamada Milateriga Kenya oo Qarax miino lagula Eegtay Magaalada Mandheere ee Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya

Isniin, May 21, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo laba ka mid ah ay askarta Kenya ka tirsan yihiin ayaa ku dhaawacmay qarax maanta lagula eegtay gaari ay wateen ciidamada Kenya xaafadda Buulo-jineefa ee magaalada Mandheera.

Qaraxan oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa wuxuu haleelay gaarigii ay wateen ciidamada Kenya, waxaana labada askari ee dhaawacmay ay ka mid ahaayeen askar saarnaa gaariga la qarxiyay.

Sidoo kale, qaraxa waxaa ku dhaawacmay nin rayid ah oo ay ciidamadu gacanta ku hayaan kaasoo ay sheegeen inuu yahay kii qaraxa gaariga la beegsaday, kaasoo ay baaritanno ku hayaan.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Mandheera ayaa sheegay in ciidammo fara badan oo Kenyan ah ay soo buuxiyeen xaafadda uu qaraxu ka dhacay, kuwaasoo billaabay inay dadka qabqabtaan qaarkoodna jir-dil u geystaan.

"Qarax weyn ayaa mar qura la maqlay, waxaan arkay gaari ay ciidamadu leeyihiin oo qiiq uu ka baxayo, dadka oo dhan way kala yaaceen, ciidammo Kenyan ayaa soo gaaray goobta waxayna qabqabteen dad badan kuwaasoo qaarkood ay jir-dileen," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Mandheera oo saxaafadda la hadlay.

Saraakiisha Kenya ayaa qaraxan ku eedeeyay Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya, waxaana qaraxan uu kusoo beegmayaa iyadoo toddobaadkii hore uu qarax ay ku dhinteen Askar Kenyan ah uu ka dhacay xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Tan iyo markii ay dowladda Kenya ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya sannadkii hore waxaa gudaha dalkaas ka dhacayay qaraxyo ay khasaare kasoo gaartay ciidamada iyo dadka shacabka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho. Soomaaliya