4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 21, 2012
Al-shabaab oo Deegaanka Ceelasha Biyaha kusoo bandhigtay Askari ay sheegeen in uu kasoo goostay Ciidamada Itoobiya (SAWIRRO)


Isniin, May 21, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa deegaanka ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho kusoo bandhigay shalay gallinkii dambe askari ay sheegeen inuu kasoo goostay ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo.

Askarigan oo watay qori ay ku xiran tahay diiradda meelaha fog-fog wax looga arko ayaa waxaa lagu soo bandhigay masaajid, iyadoo mas'uulka Al-shabaab ee gobolka Banaadir uu halkaas towxiidka ugu qabtay, isagoo magaciisii hore ka bedelay.

"Maanta waxaan halkaan ku islaaminay walaalkeen horay cadowgeenna u ahaa oo aan u bixinnay C/llaahi horayna loo oran jiray Batidor Meles," ayuu yiri Sheekh Maxamed Cumar Xasan (Abuu-C/raxmaan) oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Al-shabaab.

Inkastoo askarigan uusan la hadlin saxaafadda ayaa haddana waxay saraakiishii Al-shabaab ee goobta ku sugnaa ay sheegeen inuu kasoo goostay ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka Yurkud ee gobolka Gedo.


"Askarigan wuxuu soo goostay Khamiistii lasoo dhaafay, wuxuuna isagoo qorigiisa wata u yimid dadka deegaanka, kuwaasoo u geeyay ciidamada mujaahidiinta ee ku sugan duleedka Yurkud," ayay yiraahdeen mas'uuliyiinta Al-shabaab ee goobta ku sugnaa.

Dadweyne fara badan ayaa goobta soo buuxiyay, kuwaasoo aad u soo dhaweeyay askariga kasoo goostay ciidamada Itoobiya, waxaana dadkaas qaarkood ay lacago iyo dhar ku taageereen askariga.

Ugu dambeyn, Askariga ayaa wuxuu sare u qaaday Kitaabka Qur'aanka isagoo sita qorigiisa, iyadoo aysan jirin wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Itoobiya oo ku saabsan askarigan la sheegay inuu kasoo goostay ee ay Al-shabaab kusoo bandhigtay duleedka Muqdisho.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho. Soomaaliya