4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2012
Hay’adda UNICEF oo Sheegtay in Kumannaan Caruur Soomaaliyeed ah ay ku sugan yihiin Xaaladda Nololeed oo khatar ah

Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Hay’adda Caruurta Dunida ee UNICEF ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in kumannaan caruur Soomaaliyeed ay khatar ugu jiraan inay dhintaan kaddib nafaqo-darro xooggan oo ku habsatay, iyadoo xustay in lacag la’aan awgeed aysan caawin karin.

UNICEF waxay sheegtay inay heshay 12% lacagtii ay dalbatay sannadkan oo ah 289 milyan oo doollar si ugu sahlanaato inay xaaladaha deg-degga ee sannadkan uga jawaabto si dhaqso ah.

Hay’addu waxay sheegtay in saddex meelood laba meel aanay caruurta Soomaaliya aanay cunin raashinkii ay u baahnaayeen iyo weliba cunnada kale intaba. Iyadoo ku sheegtay in caruutaas 70% ay ku nool yihiin gob gobollada Koonfureed iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya oo ay sannadkii hore saameynta xooggan ku yeesheen abaartii ku dhufatay Soomaaliya.

Afhayeenadda hay’adda UNICEF, Marixie Mercado ayaa sheegtay in caruur 325,000 gaaraysa ay haysto xaalad nafaqo-darro oo aad u daran, waxayna u baahan yihiin bay tiri gargaar deg-dega ah.

"Howsha aan ku badbaadinayno caruurta Soomaaliyeed waan sii wadaynaa si aan u badbaadinno maalin walba caruurta... dhab ahaan aad ayay khatar ugu jiraan caruur badan inay dhintaan," ayay tiri Mercado. Iyadoo sheegtay in haddii aysan helin dhaqaale ay khatartaas wax uga qabtaan inay howshoodu joogsan doonto.

Mr. Mercado waxay sheegtay in nabadgalyo la’aanta iyo inaan la awoodi karin in la tago goobaha ay caruurtaas nafaqo-darrada ku hayso ay kasii dari karto xaaladda ay hadda ku jiraan.

Afhayeenaddu waxay sheegtay in caruurta Soomaaliyeed ay dhibaatooyin xooggan ku hayaan cudurro ay ka mid yihiin jadeecada. "Roobabka hadda billowday waxay faafinayaa cudurro, sidaa daraadeed waa khasab in la gaarsiiyo caruurta ku nool gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya tallaal looga hortagayo," ayay tiri afhayeenadda UNICEF.

Ugu dambeyn, haya’dda UNICEF waxay hoosta ka xariiqday in macluushii sannadki hore ku dhufatay Soomaaliya ay kasoo kabteen, balse ay walaac xooggan ka qabto roobkii sanadkan ka di’i lahaa geeska Afrika oo aad u yaraan doona.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya