4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2012
Taliye cusub oo Maanta si rasmi ah ula wareegay Hoggaanka Ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee Soomaaliya ku sugan

Incoming African Union Mission in Somalia (AMISOM) Force Commander Lieutenant General Andrew Gutti (R), flanked by the current Force Commander Major Geneal Fred Mugisha, speaks to the Somali media at the mission's headquarters in the capital Mogadishu in this handout photo taken April 26, 2012. Lieutenant General Gutti is currently under-going an orientation tour of the mission's area of operations before taking over from Major General Mugisha.
Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Taliye cusub oo lagu magacaabo, Jen. Andrew Gutti ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay taliska ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee ku sugna Soomaaliya, kaddib xaflad xilka lagu kala wareegsanayay oo maanta ka dhacday xarunta AMISOM ee Xalane.

Jen. Fred Mugisha oo ahaa taliyaha ciidamada AMISOM ayaa xilka ku wareejiyay taliyaha cusub, waxaana munaasabadda xil wareejinta goobjoog ka ahaa ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Abuubakar Diarra iyo xiriiriyaha arrimaha dalka Soomaaliya ee Midowag Afrika, Mr. Sivuyile Bam.

"Gen. Gutti wuxuu hoggaamin doonaa ciidamada AMISOM kuwaasoo ku jira dagaal lagu doonayo in lagu soo celiyo nabad iyo kala dambeyn ay helaan shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri danjire Rodney Kiwa oo munaasabadda ka hadlay.

Danjiruhu wuxuu sheegay in AMISOM ay sii wadi doonto howgalka ay taageerayso beesha caalamka ee lagu soo celinayo nabadda Soomalaiya, isagoo sheegay inay u muuqato in xilli dhow ay Soomaaliya nabadi kusoo laabanayso.

Taliyaha cusub ee AMISOM oo muddo 26-sano ah ka tirsanaa ciidamada Uganda ayaa wixii maanta ka dambeeya wuxuu howlgelin doonaa ciidammo ka socda dalalka Kenya, Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Sierra Leone.

Magacaabidda iyo la wareegista taliyaha cusub uu la wareegayo AMISOM ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli 100-askari oo ciidamada Midowga Afrika ka tirsan la geeyay degmada Baydhabo ee gobolka Bay halkaasoo noqonaysa meel ka baxsan Muqdisho oo ay AMISOM ka howlgasho tan iyo markii ay uu howlgalkoodu billowday sannadkii 2007.

A handout photograph dated April 25, 2012 and released by the African Union-United Nations Infomation Support Team on April 26, 2012, shows incoming African Union Mission in Somalia (AMISOM) Force Commander Lt. Gen Andrew Gutti inspecting a Ugandan guard of honour at Mogadishu Stadium. Along with current Force Commander Maj. Gen Fred Mugisha, Lt. Gen. Gutti visited AMISOM bases in Maslah Town, Mogadishu University and the recently taken strategic area of Deynille as part of an orientation tour of AMISOM's area of operations where he was briefed by senior officers and commanders from the AU Mission's Burundian and Ugandan contingents.

Ciidamada AMISOM ayaa waxay Soomaaliya uga howgeli doonaan afar qaybood oo waaweyn, kuwaasoo ay ka kala howlgalayaan ciidamada ka socda dalalka kala duwan ee AMISOM ay ka kooban tahay.

Gen. Gutti ayaa sheegay in howlgalka AMISOM uu halkiisa kasii wadi doono uuna ku rajo weyn yahay in Soomaaliya oo dhan ay la wareegaan. "AMISOM horumar ayay ka sameyn doontaa sidii mustaqbalka Soomaaliya looga dhigi lahaa meel nabad ah," ayuu yiri taliyaha cusub ee AMISOM.

Howgalka AMISOM oo ka billowday Soomaaliya bishii Maarso ee sannadkii 2008 ayaa waxay ku guuleysteen markii ugu horresay inay la wareegaan Muqdisho iyagoo gacan siinaya ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

A handout photograph dated April 25, 2012 and released by the African Union-United Nations Infomation Support Team on April 26, 2012, shows incoming African Union Mission in Somalia (AMISOM) Force Commander Lt. Gen Andrew Gutti (middle-back) viewing surrounding terrain from the roof of Mogadishu University. Along with current Force Commander Maj. Gen Fred Mugisha, Lt. Gen. Gutti (front) visited AMISOM bases in Maslah Town, Mogadishu University and the recently taken strategic area of Deynille as part of an orientation tour of AMISOM's area of operations where he was briefed by senior officers and commanders from the AU Mission's Burundian and Ugandan contingents.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya