4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2012
Wafdi ka socda xisbiga Xisbiga Hiil Qaran oo Booqday Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya (DAAWO SAWIRRO)
HIILQARAN.jpg

Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda xisbiga Hiil Qaran oo ay hogaaminayaan xubno sare oo ka tirsan xisbigaasi ayaa booqasho ku tagay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Waxaana wafdigan ay kormeer ku sameeyeen nolosha dadka qaxootiga ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab , iyagoo waraystay qaar kamid ah dadkaasi.

Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah hogaanka xisbiga Hiil Qaran oo Hiiraan Online uga warramay booqashadii ay ku tageen xeryaha Dhadhaab ayaa sheegay inay halkaas ku soo arkeen dhibaato xoogleh.

"Dadka Soomaaliyeed ee xeryahaasi ku jira waxay ku noolyihiin xaalad adag" ayuu yiri Prof. Samatar.

HIILQARAN10.jpg

"Qofkii Soomaaliya doonaya inuu mas'uul ka noqdo waa inuu tagaa meelaha ay dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysani joogaan" ayuu sii raaciyay.

Waxaana ay ballanqaadeen masuuliyiinta xisbiga Hiil Qaran inay dajiyaan qorshe dadka ku dhibaataysan xeryaha wax loogu qabanayo.

Dhanka kalana Axmed Ismaaciil Samatar  ayaa sheegay in xisbigoodu ay ka qayb qaadan doonaan tartanka loogu jiro jagooyinka ugu sarreeya dalka, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay xuquuq dastuuri ah.

Booqashada ay xubno ka socda xisbiga Hiil Qaran ku tageen xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee xubno ka socda xisbi siyaasadeed ay ku tagaan xeryahaasi.

HIILQARAN11.jpg
HIILQARAN12.jpg
HIILQARAN13.jpg
HIILQARAN14.jpg
HIILQARAN15.jpg
HIILQARAN16.jpg
HIILQARAN2.jpg
HIILQARAN3.jpg
HIILQARAN4.jpg
HIILQARAN5.jpg
HIILQARAN6.jpg
HIILQARAN7.jpg
HIILQARAN8.jpg
HIILQARAN9.jpg

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya