4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 19, 2012
Safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi oo caawisay nin curyaan ah
AMEERIKO.jpg

Sabti May 19, 2012 (HOL) - Safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi ayaa ugu deeqday gaariga curyaamiinta nin curyaan ah oo kamid ah dadka Soomaalida ah ee ku tabaalaysan dalka Kenya.

Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo ku wareejiyay gaarigan iyo lacag uu ugu deeqay ninkaasi dhibanaha ah ayaa ka dalbaday Soomaalida inay is caawiyaan.

Waxaana ninkan dhibanaha ah oo la hadlay saxaafada oo sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay taageerada uu ka helay safaarada Soomaalida.

"Safaarada ayaan imiday oo ka codsaday inay i caawiyaan, wayna iga aqbaleen, waa ku mahadsanyihiin asxaanka ay ii sameeyeen" Ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa halkaas goob joog ka ahaa Madaxa laanta Socdaalka Soomaaliya Jeneraal Gaafow oo u Mahad celiyay Safiirka Soomaaliya Kenya, oo uu ku sheegay in uu yahay shaqsi Diyaar u ah in uu wax la qaybsado Somalida ku dhibaataysan kenya.

Waa markii labaad oo safaarada Soomaalidu ay ku wareejiso gaari curyaamiinta iyo lacag deeq ah, qaar kamid ah Soomaalida ku soo curyaantay dagaallada sokeeye ee dalka ka dhacay.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya