4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 19, 2012
Dagaal Deegaanka Taabto ku dhexmaray Ciidamada DKMG, Kenya, Raaskambooni iyo Xarakada Al-shabaab

Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Ciidamada Dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya iyo Xoogagga Al-shabaab ayuu saaka aroortii dagaal xooggan ku dhexmaray duleedka deegaanka Taabto ee gobolka Jubada Hoose.

Dagaalka ayaa ka danbeeyay kadib markii dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada huwanta ah ku lahaayeen duleedka deegaankaasi, waxaana labada dhinac dhexmaray dagaal xooggan oo qaatay saacado badan.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Taabto ayaa warbaahinta u sheegay in labada dhinac ay isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale la maqlayay madaafiic culculus oo ay is weeydaarsanayeen dhinacyadii dagaalamayay.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu sababay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray dhinacyadii dagaalamayay, haseyeeshee waxaan ilaa imika la heyn tirada rasmiga ah ee dadka ku waxyeeloobay dagaalkaasi.

Xiriiro aan la sameynayay masuuliyiinta Dhinacyadii uu dagaalka u dhexeeyay ayay inoo suurogeli weysay in aan ka helno faahfaahin ku saabsan dagaalka iyo weliba qasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac.

Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa lagu soo waramayaa in ay weli tahay mid kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in markale uu halkaasi ka qarxo dagaal xooggan oo dhexmaraya dhinayada iska soo horjeeda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya