4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 19, 2012
Shirkadda SKA ee Maamusha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo xaqiijisay in lacago badan lagala goostay

Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Madaxa shirkadda SKA ee maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, Anthony Randerson ayaa xaqiijiyay in ruux shaqaalahooda ka mid ah uu la goostay lacago fara badan oo ay shirkaddu lahayd.

Ninkan oo magaciisa koowaad lagu sheegay Machdi una dhashay dalka Masar, balse haysta dhalasho Mareykan ah ayaa waxaa baadi-doon ku haya waaxda socdaalka ee dowladda Soomaaliya iyo shirkadda SKA.

"Warka Machdi wuxuu soo baxay kaddib markii uu shalay oo Jimco ahayd ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, wuxuuna la baxsaday lacago fara badan oo shirkaddu ay lahayd lamana oga halka uu ku sugan yahay balse baadi doon ayaan ku haynaa," ayuu yiri Randerson.

Lacagta uu la goostay ruuxan Masriga ah oo la sheegay inuu ahaa madaxii qaybta lacagaha ee shirkadda SKA ayaa waxaa ku jirtay canshuuraad ay leedahay DKMG ah ee Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu u dhoofay Kenya, iyadoo waaxda socdaalka ee Soomaaliya ay fariin ku saabsan in la qabto gaarsiiyeen mas'uuliyiinta garoonka diyaaradaha Kenya ee Jome Kenyata.

Shirkadda SKA & Logistic ayaa waxay bishii September ee sannadkii 2010 heshiis kula gashay dowladda Soomaaliya in dib u dhis ay ku sameyso garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Heshiiskaas ayaa wuxuu dhigayay in shirkadda SKA ay casireyso garoonka, sidoo kalena ay ilaaliso ammaanka garoonka sida inay qalabka baarista mariso dadka ka dhoofaya garoonka iyo inay baaris xoog leh ku sameyso alaabooyinka ay rakaabku wataan.

Waa markii ugu horreysay oo mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda SKA uu lacago la goosto, iyadoo aan la ogeyn saameynta ay arrintan ku yeelan karto howsha ay ka hayaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya