4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2012
Taliyaha Ciidamada Itoobiya ee Baydhabo ku sugan oo sheegay inay adkeyn doonaan ammaanka degmadaas

Jimco, May 18, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada Itoobiya ee Baydhabo ku sugan ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin ay ku adkeynayaan ammaanka guud ee degmada Baydhabo.

Hadalka taliyahana ayaa imaanaya iyadoo degmada Baydhabo ay safar ku tageen shalay oo Khamiis ah wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

"Waxaan qaadaynnaa tallaabooyin aan ku sugayno ammaanka guud ee Baydhabo iy weliba dadaal aan kaga bixinayno gobollada Bay iyo Bakool xoogagga Al-shabaab ee weli ku harsan," ayuu yiri taliyaha cidamada Itoobiya ee gobolka Bay oo lagu soo koobay magaciisa John.

Ciidamada Itoobiya ayaa kaga sugan gobolada Bay iyo Bakool dhowr degmo oo ay ka mid yihiin xarumaha labdaas degmo ee Baydhabo iyo Xudur, iyadoo Al-shabaab ay weerarro joogto ah ku hayaan degmooyinka ay ciidamadaas kaga sugan yihiin labadaas gobol.

Sarkaalka ugu sarreeya ciidamada Itoobiya ayaa sheegay inay tabo cusub oo aan horay loo arag u wajahayaan sugidda ammaanka degmooyinka ay kaga sugan yihiin gobollada Bay iyo Bakool, balse ma uusan sheegin tabahaas noocooda.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxay shalay u tageen Baydhabo arrimo la xiriira ammaanka, iyagoo kulammo ay la yeesheen waxgaradka iyo shacabka ku boorriyay in lala shaqeeyo ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ee gacanta siinaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya