4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2012
Dagaallo Ciidamada DKMG, AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab ku dhexmaray Degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho

Jimco, May 18, 2012 (HOL) — Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Dharkeenley, iyadoo dagaalka ahaa mid laga maqlayay inta badan magaalada Muqdisho la iskuna adeegsaday hub kala duwan.

Dagaalka ayaa qarxay markii xoogagga Al-shabaab ay weearro ku qaadeen xaafado ka tirsan degmada Dharkeynley oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, iyadoo dagaalku socday muddo saacad ku dhow.

Lama oga khasaaraha uu dagaalkan dhaliyay, balse madaafiicdii la is-dhaafsanayay ayaa waxay ku dhaceen xaafado ay ka mid tahay Kaxda oo ay ku nool yihiin dad badan oo shacab.

"Xalay waxaa dhacay dagaal culus oo aad uga culus kuwii horay uga dhici jiray Muqdisho, cabsi weyn ayaan dareennay," ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool degmada Dharkeynley ee Muqdisho.

Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa mid qorsheysan oo ay la beegsadeen saldhigyada AMISOM iyo kuwa DKMG ah, inkastoo aysan sheegin khasaare ay geysteen iyo mid loo geystay.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda KMG ah oo ku saabsan dagaalkii xalay dhacay, waxaase dadka ku nool xaafadaha lagu dagaalamay ay cabsi weyn ka muujiyeen dagaalkii xalay dhacay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya