4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 17, 2012
Khilaaf salka ku haya muddada uu xilka haynayo Madaxweynaha Galmudug oo soo dhexgalay Baarlamaanka Maamulkaas

Khamiis, May 17, 2012 (HOL) — Muran ku saabsan xilliga uu xilka hayanayo madaxweynaha Galmudug, Maxamed Axmed Caalin ayaa soo dhexgalay baarlamaanka maamulkaas, iyadoo guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenku ay hadallo iska soo horjeeda siiyeen saxaafadda.

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Xasan Maxamuud Heyl oo warbaahinta kula hadlya Gaalkacyo ayaa sheegay in xilka madaxweynaha Galmudug uu ku eg-yahay kowda bisha Ogoosto ee sanadkan, isagoo sheegay inaanay ogolaan doonin inuu xilka kororsado.

"Madaxweynaha xilligiisu waa gabo-gabo waana in doorasho la qabta inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sannadkan," ayuu ku taliyay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo ka digay in muddo korosi uu sameysto madaxweynaha.

Intaas kaddib ayaa waxaa isna saxaafadda la hadlay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug, Cowke Xaaji C/raxmaan isagoo sheegay in muddada uu xilka haynayo madaxweynaha Galmudug ay ku eg-tahay sannadka soo socda 2013 isagoo ka digay in muddadaas ka hor doorasho la qabto.

"Xilliga madaxweynuhu xilka haynayo waa mid ku cad dastuurka, waana 2013, inta ka horreysa haddii doorasho la sameeyo waxay taasi abuuri kartaa qalalaase," ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug.

Murankan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan la xalliyay khilaaf ay xilalka isaga qaadeen madaxweynaha Galmudug iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, kaas oo keentay inay xilalkooda iska casilaan wasiirro badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya