4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 17, 2012
Ciidamada Ammaanka Kenya oo sheegay inay qabteen Nin u dhashay dalka Jamralka oo xiriir la lahaa Al-shabaab

Khamiis, May 17, 2012 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Kenya ay ku qabteen deegaanka Niivasha ee galbeedka Kenya nin u dhashay dalka Jarmalka oo ay ku sheegeen inuu ka tirsan yahay islaamiyiinta mayalka-adag.

Ninkan oo lagu magacaabo, Axmed Mueller oo la qabtay Arbacadii shalay ayaa waxay qabashadiisu imaanaysaa kaddib markii war digniin ah ay booliiska Jarmalku soo saareen dhammaadkii toddobadkii hore.

Afhayeenka booliiska Kenya ayaa sheegay in ninkan ay baaris ku sameynayaan, balse wuxuu qariyay halka lagu hayo, iyadoo aysan jirin wax warar ah oo kasoo baxay booliiska Jarmalka iyo wasaaradda arrimaha dibadda Jarmalka.

Warkan ayaa wuxuu imaanayaa maalmo kaddib markii booliiska Kenya ay sidoo kale xireen nin u dhasha dalka Sweden kaasoo looga shakiyay inuu xiriir la leeyahay Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay inay bilaabeen ugaarsashada Mueller toddobaadkii hore, waxayna sheegeen inuu ninkan Jarmalka ah ku diyaarinayay gudaha Kenya dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Mueller leh laba caruur ah isla markaana qaba xaas Eriteriyaan ah ayaa la sheegay in sannadkii 2009 isaga iyo koox Islaamiyiin ah lagu xiray xuduudda u dhexeysa dalalka Bakistaan iyo Afgaanistaan, inkastoo lasii daayay waqti dambe.

Tan iyo markii dowladda Kenya ay ciidamadeeda u soo dirtay gudaha Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkii hore ayaa waxaa dalkaas kusoo badanayay dadka xiriirka la leh Al-shabaab iyo weerarro qaraxyo ah oo dalkaas laga geystay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya