4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 17, 2012
Madaxweynaha Puntland oo sheegay inay dalbadeen in Addis Ababa lagu qabto shir looga hadlayo Dastuurka Soomaaliya

Khamiis, May 17, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay inaysan ku qanacsanayn dastuurka cusub ee loo sameeyay Soomaaliya, kaasoo uu sheegay inaysan ku caddeyn awoodaha maamul goboleedyada dalka.

C/raxmaan Faroole oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay inay dalabadeen in la isugu yimaado magaalada Addis Ababa si loo turxaan-bixiyo dastuurka oo uu xusay inaysan ku caddeyn awood-qaybsiga dhaqaalaha iyo siyaasadda.

"Haddaan dastuur jirin waxba ma jiraan, inta odayaal lagu shiriyo Muqdisho oo loo sheekeeyo iyadoo la geesmarayo shirarkii hore ma filayo in taasina ay noqon karto suuro-gal," ayuu yiri madaxweynaha Puntland

Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in dowladda KMG ah ay dhowr jeer ka dhego-adaygtay in Puntland ay guddiyada dastuurka ka shaqeynaya qayb ku yeellanno, isagoo xusay in taas badalkeeda ay isku halleynayeen ra'isul wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka oo kasoo jeeda Puntland.

"Waxyaabihii aan la yaabnay waxay ahayd markii 30-kii Apriil naloo keenay dastuur aysan ku caddeyn Federaalka, sidoo kalena aan qeexayn awoodaha siyasaadda, dhaqaalaha iyo adeegga dowladda," ayuu yiri Faroole oo intaas ku daray in taasi ay ahayd middii keentay inay ka biyo diidaan dastuurka.

Mar la weydiiyay in laga qanciyay cabashadooda iyo in kale ayuu sheegay inaysan jirin wax laga qanciyay, balse ay sugayaan in shir lagu qabto Addis Ababa si looga saaro dastuurka loo xanaf-tiro, isagoo sheegay in eedda cabashada ay mas'uul ka yihiin dadkii qoray.

Hadalka madaxweynaha Faroole ayaa imaanaya xilli ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali uu sheegay in cabashada Puntland ay ka mid tahay midda ay qabaan dadka Soomaaliyeed, markii dastuurka la ansixiyana wax ka bedel lagu sameyn doono.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya