4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 16, 2012
Askari ka tirsan ciidamada DKMG oo lagu toogtay Suuqa Bakaaraha iyo Iska-horimaad ka dhacay Degmada Wardhiigley

Arbaco, May 16, 2012 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa barqonimadii maanta lagu toogtay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha iyadoo sidoo kale uu iska-horimaad u dhexeeya ciidamada dowladda KMG ah uu ka dhacay maanta degmada Wardhiigley.

Kooxaha hubeysan ee geystay dilka askariga ka tirsan ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay horay u qaateen qorigii uu askarigu watay ayna goobta ka baxsadeen iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo askari lagu dilo bakaaraha tan iyo markii ay ciidamada dowladdu qabsadeen suuqaas sannadkii hore.

"Dilka askariga kaddib waxaa goobta soo gaaray ciidammo ka tirsan kuwa DKMG ah oo baaritaanno sameeyay, waxayna kaxeysteen dad badan oo ay ku jiraan arday iskuulley," ayuu yiri ganacsade ku sugan suuqa.

Ganacsadaha ayaa sheegay in dilksa askariga uu saameyn xoog leh ku yeeshay ganacsigoodii inta badan dukaannadana la xirxiray, iyadoo ciidammo badan ay ku sugan yihiin gudaha suuqa.

Dhanka kale, ciidammo kawada tirsan dowladda KMG ah ayaa ku dagaalamay degmada Wardhiigley, waxaana la sheegay in laba askari ay ku dhaawacmeen dagaalka, kaasoo saameyn ku yeeshay dadka ku nool agagaarka saldhigga degmada Wardhiigley oo uu dagaalku ka dhacay.

Iska-horimaadka ayaa la sheegay inuu ka dhashay qori uu askari booliis ah kasoo qaaday xalay askari kale oo ka tirsan ciidamada nabadsugidda dowladda, waxaana dagaalka uu u dhexeeyay ciidamada booliiska iyo kuwa nabadsgudidda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya