4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 16, 2012
Bambaanooyin khasaare geystay oo lagu weeraray Hoteel lagu Caweeyto oo ku yaalla Magaalada Mombassa Kenya

Mombasa residents at the scene of a blast at the Bella Vista Night Club May 15, 2012 that left one person dead and four others injured. GIDEON MAUNDU
Arbaco, May 16, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay, shan qof oo kaelna ay ku dhaawacmeen weerar saddex bambaano oo lagu weeraray xalay hoteel lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Mombassa ee dalka Kenya.

Sarkaal u hadlay booliiska ka tirsan ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay weerarka qaadeen ayna u suurogashay inay baxsadaan, isagoo xusay in sidoo kale ay goobta ku gubteen illaa lix gaari oo ay wateen dadkii goobtaas ku sugnaa.

Goobjooge lagu magacaabo Cabdulkariim ayaa saxaafadda u sheegay in laba gaari ay goobta yimaadeen ka hor intii uusan weerarku dhicin, kaddibna ay rasaas ku fureen dadkii goobta ku caweynayay ayna saddex bambaano ku tuureen gudaha caweyska.

"Weerarku markuu dhacay kaddib waxaan arkay dhimashada qof iyo dhaawac kuwo kale oo badan," ayuu yiri C/kariin oo sheegay in kooxaha weerarka geystay ay ka baxsadeen goobta.

Ciidammo fara badan oo Kenyan ah ayaa goobta soo gaaray iyagoo halkaas isku gadaamay waxayna xireen goobta oo dhan, iyadoo dadkii ka badbaaday weerarka ay billaabeen inay ka cararaan halkaas.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo kooxo hubeysan ay ka geystaan magaalada xeebta ku taalla ee dalka Kenya, iyadoo aysan jirin koox sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkaas.

Tan iyo markii ay ciidamada Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya, bishii Oktoobar ee sannadkii hore ayaa waxaa dalka Kenya ka dhacayay qaraxyo ay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya