4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 16, 2012
Ururrada SYL II iyo NYC oo Muqdisho ku qabtay xuska Sannad-guuradii 69-aad ee kasoo wareegtay Aasaaskii Ururka SYL


Arbaco, May 16, 2012 (HOL) — Munaasabadaan oo ay isla soo qaban-qaabiyeen wasaaraada dhalinyarada, isboortiga, shaqada iyo shqaalaha iyo ururka SYL II iyo Ururka dhalinyarda Qaranka NYC ayaa ka dhacday shalay hoolka Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka qaybgalay masuuliyiin sarsare oo isugu jira xildhibaanno, wasiiro, ururrro dhaliyaro iyo haween.

Guddoomiyaha baarlamaanka isla markaan ah ku-simaha madaxweynaha, Shariif Xasan Shiikh Aadan oo munaasabddaas ka hadlay ayaa ku hoosta k xariiqay inay muhiimad gaar ah leedahay 15-ka May oo ku beegan maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo ka sheekeeyay halgankii gobannimada doonka ururkii SYL. Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa ku baaqay in la mideeyo ururrada dhalliyarrada taaso uu ku sheegay inay waxtar iyo kaalin mug leh ka qaadan karaan horumarka dalka.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada, isboortiga, shaqada iyo shaqaalaha, Maxamuud Jirde Xuseen oo isna goobta ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaday dhibaatooyinka dhalinyarda Soomaliyeed lasoo gudboonaaday muddadii 21-ka sano ahayd ee uu bur-bursanaa, isagoo sheegay inay dagaallada ku hoobteen, tahriibka badaha iyo saxaraha ay ku baabe’een, qaarna ay buux-dhaafiyeen xabsiyada adduunka.

Mudane Jirde wuxuu kaloo xusay arrinta burcadbadeedka oo uu sheegay in loo adeegsanayo dhallinyarada taasoo uu sheegay inaysan xal u noqonayn maraakiib dagaal ee laga soo buuxiyo xeebaha Soomaaliya qarash badanna lagu bixiyo; balse loo baahan yahay in ugu yaraan qaddar 10% ay ku filan tahay in dhallinyarda dib loogu dhiso sida iyagoo loo abuuro xirfado ay ku shaqeystaan si ay dhibaatada uga istaagaan.

Wasiirku wuxuu hadalkiisa kusoo gabgabeeyay in wasaaraddiisu ay wado qorshooyin wacyigelin iyo xirfaddo baris ah ay ka hirgelin doonto dhawaan gobolada dhexe, Bay iyo Bakool.

Munaasabadda oo loogu dabbaal-degeyay maalinta dhallinyarada Soomaaliyed ee 15-ka May ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso iyo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ah oo ka turjumayay nabadda, midnimada, gobanimada iyo wax-tarka dhallinyarada.

Ugu dambeyn, dabbaal-degga oo ay soo camireen dhallinyaro wiilal iyo gabdho isugu jiray oo wajiyadoodu ay farxad iyo qiiro waddaninimo buuxisay ayaa kusoo idlaatay jawi aad u qurux badan iyadoo la isugu hambalyeyay iskuna rajeeyay inay xuskan kiisa kale Alle ku gaarsiiyo nabad, barwaaqo, iyo midnimo.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya