4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 16, 2012
Ciidamada Kenya oo la sheegay inay dhac u geysteen Suuqa Xerada Qoxootiga Dhagaxley ee Deegaanka Dhadhaab
 Arbaco, May 16, 2012 (HOL) — Ciidamada Kenya ayaa lagu eedeeyay inay dhac u geysteen suuqa xerada Qoxootiga ee dhagaxley oo ka mid ah xeryaha ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha xerada Dhadhaab, C/fitaax Axmed Ismaaciil oo saakay saxaafadda kula hadlay xerada ayaa sheegay in dhaca ciidamadu geysteen uu yimid kaddib markii uu qarax miino booliiska Kenya lagula beegsaday agagaarka xerada.

"Ciidamadu waxay rasaas ku fureen dadkii xerada ku sugnaa oo aad uga argagaxay qaraxa, markaas kaddib ayayna billaabeen inay jabsadeen dhammaan qaybaha uu suuqu ka kooban yahay sida bacadlaha iyo weliba shirkadaha," ayuu yiri Cabdifitaax Axmed.

Sidoo kale, guddoomiyaha xerada Dhagaxley wuxuu sheegay in dadkii xerada ku noolaa ay xalay oo dhan dibadda ku sugnaayeen, isagoo sheegay in ciidamada Kenya ay shacabka beegsadaan mar walba oo ay qaraxyo dhacaan.

Qaraxii miino ee shalay ka dhacay xeryaha Qoxootiga dhadhaab ayaa waxaa lagu dilay sarkaal ka tirsan booliiska Kenya, sidoo kalena waxaa dhaawacyo halis ah ay kasoo gaareen laba ciidamada booliiska ka tirsan, iyado uu burburay gaarigii ay wateen.

Ciidamada Kenya ayaa inta badan lagu eedeeyaan inay tacdiyo isugu jira, dil, kufsi iyo dhac u geystaan qoxootiga ku jira xeryaha deegaanka Dhadhaab, kuwaasoo hoy u ah in ku dhow Nus Malyuun Qoxooti Soomaliyeed ah.

Ma jiro hadal kasoo baxay dowladda Kenya oo ku saabsan dhaca la sheegay inay ciidamadoodu u geysteen qoxootiga ku jira Xerada Dhagaxley ee dalka Kenya, halkaas oo deegaan u ah qoxooti fara badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya