4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 15, 2012
Munaasabad lagu xusayay Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May oo lagu qabtay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Munaasabad si heer sare ah oo loosoo agaasimay isla markaana uu soo qaban-qaabiyay urur dhalinyarro oo lagu magacaabo SYAO ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiin ka soctay maamulka gobollka Hiiraan, dhalinyarro, odayaal dhaqameed, haween iyo waliba dad ka tirsan qeybaha kala gadisan ee bulshada ayaa ka qeyb-galay munaasabada oo laga soo jeediyay kalmado ka turjumayay doorka dhalinyarrada ay ku leeyihiin hormarka dalka iyo in dhalinyarradu yihiin awood uu Qaran ku dhismo.

Duqa magaalada Beledweyne Max’ed Xassan Nuuriye oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta maamulka gobollka ee ka qeyb-gashay munaasabada xuska maalinta dhalinyarrada Soomaaliyeed ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay in sidan oo kale isku abuulaan dhalinyarrada iskuna baraarujiyaan doorka ama kalinta ay ku leeyihiin hormarka dalkooda.

"Dhalinyarrada waa xoog jira oo aan la dhayalsan karin, haddii ay awoodooda meel isugu geeyaan waxaa hubaal ah in ay wax badan badali karaan," sidaa waxaa yiri duqa magaalada Beledweyne Max’ed Xasan Nuuriye.

Qaar ka mid ah dhalinyarradii ka qeyb-gashay munaasabada oo isugu jirtay wiilal iyo gabdho oo goobta ka hadllay ayaa ku dheeraaday doorkii lama ilaawaanka ahaa ee dhalinyarradii SYL ay ka soo qaateen xurnimada maanta la harsanayo, taasoo ay tusaale uga dhigeen awooda ay dhalinyarrada u leeyihiin in ay is badal dhab ah ka sameeyaan dalka, waxaana ay ka codsadeen dhalinyarrada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay u istaagaan ka qeyb-qaadasha howlaha hormarka leh ee dalka ka socda.

Odayaal iyo waxgarad munaasabada oo jogay oo iyagana halkaa ka hadllay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin ka qeyb-galka munaasabada ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarro Soomaaliyeed dhinaca kale marka la eegana looga hadllayo ama lagu xasuusanayo kaalintii ay dhalinyarradu ka soo qaateen halgankii loo galay xuriyada, iyaga oo ku bogaadiyay dhalinyarrada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan maalinta 15- May.

Sikastaba xuska maalinta dhalinyarrada Soomaaliyeed ayaa la oran karaa waa mid mudo dheer ugu danbeysay magaalada Beledweyne, waxaana muuqata in ay siweyn ugu faraxsanaayeen ka qeyb-galayaashii munaasabada in ay goob joog ka noqdaan xuska loo dhigayo maanta oo kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya