4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2012
Dagaal Ciidamada DKMG ah, kuwa Kenya iyo Al-shabaab ku dhexmaray Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose

Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah ayaa ku dhintay dagaal culus oo xalay degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose ku dhexmaray ciidamada DKMG ah, kuwa Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa qarxay markii dagaalyahanada Al-shabaab ay weerarro ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Kenya ku lahaayeen degmadaas, iyadoo dagaalku uu socday muddo saacado ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in xaaladdu ay saakay tahay mid deggen, ayna ku arkeen gudaha degmada maydadka lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ahaa, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay.

Saraakiisha dowladda KMG ah kuwa Kenya ee ku sugan degmada Badhaadhe ayaa sheegay inuu xalay dagaal dhacay, balse ma aysan bixin faahfaahin intaas ka badan iyagoo xusay in gadaal ay ka sheegi doonaan faahfaahinta dagaalka.

Xarakada Al-shabaab ayaa iyaduna sheegtay inay weerar ku qaadeen degmadaas ayna ka gaareen hadafkii ay ka lahaayeen, iyagoo aan sheegin khasaare dhankooda kasoo gaaray dagaalka iyo midda ay gaarsiiyeen ciidamadii ku sugnaa degmadaas.

Inkastoo xaaladdu ay saakay tahay mid deggen ayaanay haddana jirin wax hadal ah oo kasoo baxay ciidamada Kenya ee ku sugan halkaas, iyadoo la ogyahay in Kenya ay ku biirtay AMISOM horraantii bishan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya