4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 13, 2012
Kulan ay iska-kaashadeen Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ururrada SYL II iyo NYC oo Dhallinyaro Soomaaliyeed uga furmay Muqdisho


Axad, May 13, 2012 (HOL) — Tababarkan oo ay wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen wasaaradda dhalinyarada, isboortiga, shaqada iyo shaqaalaha DKMG iyo urrurrada dhalinyarda SYL II iyo ururka dhalinyarada Qaranka Soomaliyeed loogana doodayo dastuurka iyo siyaasada dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa ka furmay Muqdisho.

Siminaarkan oo socan doona saddex maalmood ayna ka qaybgalayaan 100 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ka socda ururrada dhalinyarada ee dalka ka jira ayaa waxaa furay wasiir-u-dowlaha wasaaradda dhalinyarada, isboortiga, shaqada iyo shaqaalaha, Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow isagoo sheegay in wasaarad ahaan ay aad ugu faraxsan yihiin in dhallinyarada Soomaaliyeed yeeshaan doodo kuwan oo kale ah.

Cabdullaahi Maxamed Rooble oo ah mas’uul ka tirsan ururka dhallinyarada SYL II ayaa dhallinyarada halkaas isugu timid u sheegay muhimadda ay leedahay inay ka qayb-qaataan dejinta siyaasaddooda iyo dastuurkooda isagoo ugu baaqay inay isku xirnaadaan ayna ka tashadaan aayahooda.


"Tani waa farxad weyn, waayo waxaa inoo muuqda in dhallinyaradu ay diyaar u yihiin inay ka hadlaan mustaqbalkooda," ayuu yiri C/llaahi Maxamed Nuur oo sheegay in inta siminaarku socdo ay dhallinyaradu isdhaafsan doonaan fikrado kala duwan.

Dooddii ugu horreysay ee ay dhallinyaradu yeesheen ayaa waxaa looga hadlay sidii ay dastuur u sameysan lahaayeen iyadoo labada maalmood ee soo socda la filayo in dhallinyaradu sameystaan dastuur ay ku dhaqmaan iyo wixii shirkooda kasoo baxana lagu soo bandhigi doono maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed oo ku beegan 15-ka bishan May.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya