4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 12, 2012
Booliiska Dalka Kenya oo Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ku Qab-qabtay dad badan iyo Bandow xalay lagu soo rogay Xeryahaas

Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Booliska Kenya ayaa xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ku qabqabtay shalay gallinkii dambe illaa xalay in ka badan boqol qof, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ku ku lug lahaayeen falalka amni-darro oo ka dhaca xeryahaas.

Ciidamo fara badan oo katirsan Booliska Kenya ayaa xalay wareegayay xerooyinka Dhadhaab, waxaana dadka ku dhaqan xerooyinkaasi lagu wargeliyay bandow ka bilaabanayay 6:00 Maqribnimo ee xalay kuna ekaa ilaa Saaka aroortii.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan Xerada Xagardheer oo ka gaabsaday magaciisa ayaa HOL u sheegay in xalay ciidamada Booliska ay guryaha kala baxeen dad badan, wuxuuna sheegay in dadka qaarkood ay u geysteen jirdil.

"Xalay cabsi aad u weyn ayaa jirtay, booliskana waxay galayeen xaafadaha, iyagoo kala soo baxayay dhalinyarada, jirdilna way u geysanayeen," ayuu goobjoogahaasi hadalkiisii ku daray.

Maalin kahor ayay ahayd marii ciidamada Booliska Kenya ay fashiliyeen bambaanooyin lagu aasay Xarunta Keydka Raashiinka ee Xagardheer, kadib markii ay ku wargeliyeen dadka deegaanka in halkaasi lagu aasay Bambaanooyin, waxaa ay arintaasi keentay in shalay kulan deg deg ah ay isugu yimaadaan saraakiisha Booliska, gudoomiyaasha xerooyinka iyo weliba masuuliyiin kasocotay hay'adda qaxootiga aduunka ee UNHCR.

Taliyaha Ciidamada Booliska Dhadhaab George King oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Bandowga ay xalay kusoo rogeen xerooyinka ku yaal Degmada Dhadhaab uu ahaa mid lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee xerooyinka islamarkaasina looga hortagayo wixii qalqal gelin kara ammaanka Xerooyinkaasi.

Dadka ku dhaqan Xerooyinka qaxootiyada ee Dhadhaab ayaa walaac ka muujiyay howlgallada ciidamada Booliska Kenya ay Xerooyinka ka sameeyaan marka uu qarax ama wax lamid ah ka dhaco, waxaana ay sheegeen in ciidamadu ay si aan kala sooc lahayn u qabqabtaan dadka ku nool xerooyinkaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya