4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 12, 2012
Ganacsatadii Qaadka ku Iibin Jirtay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose oo ka cabaneysa shaqo la'aan

Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Boqollaal Haween ah oo ay nolosha qoyskoodu ku tiirsanayd ka ganacsiga qaadka ayaa ka cabanaya shaqo la'aan iyo xaalado nolol xumo oo soo foodsaaray, kadib markii dhawaan xoogagga Al-shabaab ay gabi ahaanba mamnuuceen ka ganacsiga Qaadka.

Qaar katirsan haweenkii ka ganacsan jiray Qaadka oo iyagoo ku sugan magaalada Kismaayo HOL u waramay ayaa sheegay in ay lasoo darastay dhibaato dhanka nolosha ah kadib markii la joojiyay ganacsiga Qaadka oo ay sheegeen in ay ka heli jireen nolol maalmeedkooda, waxayna sheegeen in aysan jirin wax shaqo ah oo ay haatan qabtaan islamarkaasina xaaladooda nololeed ay aad u liidato.

Haweenkan ayaa ka codsaday maamulka Xarakada Al-shabaab ee Jubooyinka in uu u abuuro shaqooyin kale oo ay ku maareeyaan nolosha Qoyskooda.

Qaar kamid ah haweenkii ka ganacsan jiray Qaadka ee ku sugnaa Gobollada Jubooyinka ayaa u barakacay dhanka magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, iyagoona halkaasi ka bilaabay ganacsigoodii dhanka Qaadka ahaa.

Iyadoo ay saameyn ku yeelatay dad badan oo cuni jiray ama ka ganacsan jiray mamnuucista ay xoogagga Al-shabaab ka mamnuuceen Jubooyinka , ayaa hadana waxa jiro dad fara badan oo siweyn usoo dhaweeyay mamnuucista Qaadka, kuwaasoo sheegay in uu ahaa maandooriye liddi ku ah dhaqaalaha qoyska iyo weliba maskaxda biniaadamka.

Xoogagga Al-shabaab ayaa dhawaan ka mamnuucay guud ahaan gobollada ay gacanta ku hayaan ee koonfurta Soomaaliya cunista iyo weliba ka ganacsiga Qaadka, iyagoona sheegay in tallaabo laga qaadi doono cidii isku dayda in ay Qaad soo geliso gobollada ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya