4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 12, 2012
Maamul-Goboleedka Puntland oo kasoo horjeestay Dastuurka Soomaaliya iyo DKMG ah oo arrintaas ka hadashay

Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Maamul-goboleedka Puntland ayaa kasoo horjeestay dastuurka cusub ee Soomaaliya, iyagoo ku sheegay inuusan ahayn dastuur u qalma in lagu hoggaamiyo Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo uu saxaafadda u akhriyay wasiir u dowlaha maamul-wanaagga Puntland, Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) ayaa lagu sheegay in dastuurkan uu yahay mid awoodda oo dhan siinaya dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Puntland ayaa waxay sheegtay in qodobbo gaarayaa illaa 13-qodob oo dastuurka ka tirsan ay qaldan yihiin loona baahan yahay in la saxo ka hor inta aan la sixin. Iyagoo sheegay in ka digay in la ansixiyo dastuurka iyadoo aan qodobbadaas la ansixin.

"Soomaaliya waxay u baahan tahay dastuurka habka federaalka ah ku saleysan, isla markaana qeexaya awoodaha iyo qaybsiga kheyraadka dalka ee dowladda dhexe iyo dolwad goboleedyada kale ee dalka," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Madaxweynaha Puntland ayaa warqad uu kaga cabanayo dastuurka uuna u dirtay beesha caalamka wuxuu ku sheegay in in Puntland aysan ku qanacsanayn kartida iyo aqoonta gudiga madaxa-bannaan ee dastuurka iyo guddiga khubarada; isagoo sheegay in soo xulidda guddiyadan ay dowladda KMG ah isku koobtay.

Ugu dambeyn, Puntland waxay sheegtay in loo baahan yahay shirar lagu xallinayo khilaafkan lagu qabto dalalka Itoobiya ama Kenya, si loo turxaan bixiyo habka loo qoray dastuurka la isuguna afgarto.

Dhanka kale, wasiirka dastuurka iyo arrimaha federalka DKMG ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay inuusan u arag inay Puntland kasoo horjeeddo dastuurka lana xallinayo cabashada kasoo yeertay maamulkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya