4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2012
Sheekh Axmed Dhicisoow oo sheegay inay dib u dhigeen Mudaaharaad ay doonayeen inay maanta ka dhigaan Muqdisho

Jimco, May 11, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha majmaca culumada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Dhicisow ayaa sheegay inay dib u dhigeen qabashada mudaaharaad ay ku wadeen inay maanta ka dhigaan Muqdisho, kasaoo ay uga soo horjeedaan dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Sheekh Dhicisow ayaan sheegin sababta ay dib ugu dhigeen mudaahraadkii ay horay u qorsheeyeen inay maanta qabtaan, wuxuuse sheegay inay qaban doonaan maalmo kale.

"Waxaa baaqday mudaaharaad aan maanta sameyn lahayn, kaasoo aan dastuurka cusub uga soo horjeednay, maalmaha soo socda ayaana qaban doonnaa," ayuu yiri Dhicisow oo aan sheegin maalin cayiman oo ay dibadbaxa qabayaan.

Hay'adaha culummada Soomaalida ayaa si aad ah uga soo horjeeday dastuurka la doonayo in la ansixiyo, iyagoo sheegay inay ku jiraan qodobbo ka horimaamaya diinta Islaamka.

Baajinta dibadbaxan ayaa wuxuu imaanayaan xilli ay dowladda KMG ah ka dhigtay in lagu qabto Muqdisho dibadbaxyo iyo shirar aan lagu wargelin wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka.

Warbixin ay horay u soo saartay wasaaradda ayay ku sheegtay in sababaha ay uga digayso qabashada shirarka iyo dibadbaxyada aan ruqsadda loo haysan ay tahay si loo adkeeyo ammaanka caasimadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya