4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 1 , 2012
Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad shacab ah


Talaado, May 01, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex oo uu ku jiro nin ganacsade ah oo gaadiidka iibiya ayaa ku dhintay qarax gelinkii dambe ee maanta ka dhacay jidka isku xira isgoyska KM4 iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu lahaa ganacsadaha dhintay, waxaana labada qof ee kale ee qaraxaas ku dhintay ay ahaayeen dad shacab ah oo jidkaas marayay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ninka gacansadaha ah ee dhintay lagu magacaabi jiray Carrafaat, uuna ka shaqeyn jiray madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo goobta soo gaaray ay sameeyeen baaritaanno aysan cidna kusoo qaban.

"Gaari wuxuu qarxay isagoo socda, waxaana gudihiisa ku dhintay ninkii watay, laba qof oo kale ayaa iyagana ku dhintay goobta kuwaasoo ahaa dadka halkaas socday," ayuu yiri goobjooge ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkaas, iyadoo weerarkan lagu soo beegay xilli ay ciidammo badan oo ammaanka sugayay ay saakay dhoobnaayeen jidadka isku xira madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya