4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 1 , 2012
Qarax ay ku dhinteen Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Dhuusamareeb ka dhacay

Talaado, May 01, 2012(HOL): Qarax is-miidaamin ah ayaa goor dhaweyd ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee bartamaha Soomaaliya.

Qaraxan ayaa ka dhacay goob ay ku sugnaayeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka iyo siyaasiyiin kale oo dhawaanahan booqanayay deeggaano ka tirsan bartamaha Soomaaliya.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhinteen tiro dad ah oo uu ku jiro xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar.

Dadka dhaawacmay ayaa la xaqiijiyay inuu ku jiro siyaasiga Axmed Cabdisalaam, balse ilaa hadda wararkaasi si toos ah looma xaqiijin karo.

Wixii warar ah ee faahfaahsan ee ku saabsan cidda qaraxa fulisay iyo khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay, goor dhow ayaan idiin soo gudbin doonaa.

Isha Warka: Laanta Afka Soomaaliga ee VOA