4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 1 , 2012
Ururka SYL II oo maanta Siminaar u qabtay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ay baraan xifado Xirfadaha kala duwan (SAWIRRO)


Talaado, May 01, 2012 (HOL) — Ururka dhalinyarada SYL II ayaa siminaar bileedkii koowaad u qabtay illaa iyo 500 oo arday ah oo ka kala tirsan qaybaha kala duwan ee ururku uu baro xirfadaha kala duwan, waxaana goobjoog ka ahaa macalimiinta, marti sharaf kale iyo masuuliyiinta SYL II.

Mowduuca siminaarka ayaa wuxuu hal-ku-dhiggiisu ahaa: ‘Wadan Jacaylka & muwaadinnimada iyo muhiimada ay u leedahay shakhsiga' waxaana qudbado kala duwan ka jeediyay culuma’udiin, aqoonyahanno, macalimiin iyo qaar ka mid ah ardaydii ka qalinjbisay wareegii koowaad iyo ardayada hadda dhigata iyo xubno ka tirsan mas'uuliyiinta SYL II.

Sheekh Cumar Maxamuud Wardheere (Xeroow) iyo Sheekh Xasan Sheeekh Axmed Siyaar oo ka mid ah culummadii ka hadashay siminaarka ayaa aad ugu dheeraaday muhiimadda ay waddaniyadu leedahay iyagoo dhallinyarada ku boorriyay inay aad ugu dadaalaan wadan-jacaylka.

Ardaydii horay uga faa’iideystay waxbarashada SYL II ayaa kalimado dhiirrigelin ah u jeediyay ardayda cusub iyagoo ugu sheekeeyay waaya-aragnimadii waxbarasho ee ay soo mareen iyo sida ay ugu dulqaateen xaaladda adag ee wadanku xilligaas ku jiray, ayna ka faa'iideystaan weli deeqda waxbarasho ee ay SYL II u fidiso.



Ayaan Yuusuf Cabdi oo ka mid ahayd ardaydii horay wax uga bartay SYL II oo ka hadashay siminaarka ayaa sheegtay in xirfadii ay ka baratay ay hadda ku shaqeyso iyadoo sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay shaqadeeda.

Qaar ka mid ah ardayda hadda wax-ka-bartay xarumaha waxbarasho ee SYL II oo iyaguna kalimado ka jeediyay siminaarka hadallo ku aaddan waxbarashadooda , waxaana Cabdinaasir Ismaaciil oo ka mid ahaa ardayda uu soo jeediyay erayo aad u dhaqaajiyay dhammaan dadkii kasoo qaybgalay siminanarka kuna beeray wadaniyad cusub oo raad ku reebi doonta noloshooda.

Gabagabadii bandhig-bileedka oo xambaarsanaa labo ujeeddo oo ay kala ah: wadan-jacayl, isbarasho iyo is-dhexgalka ardayda ayaa kusoo dhammaaday jawi aad u fiican oo ay jeclaysteen dhammaan kasoo qeybgalayaashii.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya