4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 1 , 2012
Safiirkii Soomaaliya ee dalka Yemen oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Sanca ee Xarunta Dalkaas

Talaado, May 01, 2012 (HOL) — Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay dalka Yemen Allaha u naxariisteen, Axmed Aadan Cismaan ayaa xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen, isagoo u geeriyooday xanuun ka asiibay beerka.

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen, Xuseen Xaaji Axmed oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in safiirka uu muddo dheer ka xanuunsayay beerka balse maalmihii ugu dambeeyay uu xanuunkiisa soo xoogeystay, uuna ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Sanca.

"Safiirku si caadi ah ayuu u shaqeynayay isagoo xanuunsan, basle xanuunkiisa aad ayuu u soo kordhay bilihii ugu dambeeyay, wuxuuna ku dhintay isbitaalkii lagu daweynayay," ayuu yiri Xuseen Xaaji.

Danjirahan geeriyooday ayaa kasoo shaqeeyay intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay dalalka Shiinaha, Jarmalka iyo dalal kale, waxaana xilkan loo magacaabay dhammaadkii sannadkii 1988-kii.

Marxuumka ayaa wuxuu ifka uga tagay xaas iyo lix caruur ah oo uu dhalay kuwaas oo isugu jira saddex wiil iyo saddex gabdhood kuna kala nool dalka Yemen iyo dalka Kanada, iyadoo aan la ogeyn halka lagu aasi doono.

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Yemen ayaa sheegay in aaskiisa ay go'aan ka gaari doonaan ehelladiisa sida xaaskiisa, walaalkii iyo caruur uu dhalay oo lagu wado inay tagaan dalka Yemen si u go'aansadaan halka lagu aasao marxuumka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya