Madaxweyne Sheekh Shariif oo kulan looga hadlay Arrimaha Soomaaliya la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq

Khamiis, Maarso 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo socdaal ku jooga dalka Ciraaq ayaa maanta kulan la yeeshay ra’iisul wasaaraha Ciraaq, Nuuri Al-Maaliki, iyagoo uga hadlay kulankooda sidii dowladda Ciraaq iyo ururka jaamacadda carabta ay u garab istaagi lahaayeen dowladda KMG Soomaaliya.

Kulanka kaddib ayuu Al-Maaliki balan-qaaday in dalkiisu uu dhinaca ammaanka ka taageerayo DKMG ah ee Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu sheegay inay gacan ka geysanayaan sidii lagu xallin lahaa siyaasadda qasan ee Soomaaliya.

"Dalalka Carabta ee shirka kasoo qaybgala ayaan kala hadlayaa sidii gacan looga geysan lahaa xal u helidda mushkiladaha Soomaaliya," ayuu Al-Maaliki ugu sheegay wariyeyaasha magaalada Baqdaad ee xarunta dalka Ciraaq.

Magaalada Baqdaad ee xarunta dalka Ciraaq ayaa waxaa maanta ka furmaya shirka Jaamacadda Carabta, kaasoo looga hadli doono arrimaha murugsan ee Soomaaliya, kuwa Yemen iyo xiisadaha ka taagan dalka Siiriya, waxaana ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo muddo labaatan sano ka badan oo shirka dalalka Carabta lagu qabto dalka Ciraaq.

Dhanka kale, Nuuri Al-Maaliki wuxuu kulan la qaatay madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir oo ka mid ah madaxda dalalka carabta ee ka qaybgalaya shirka Jaamacadda Carabta, isagoona kala hadlay sidii dowladda Suudaan ay kaalin wax ku ool leh uga qaadan laheyd gargaarida shacabka Soomaaliyeed iyo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada isku haya siyaasada dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaraha Ciraaq ayaa sheegay in shirka ka dhacaya Ciraaq ay kasoo bixi doonaan qodobbo muhiim u ah wax-ka-qabashada Soomaaliya, isagoo ballan-qaaday inuu ka shaqeynayo sidii loo heli lahaa dowlad Soomaaliyeed oo soo celisa ammaanka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya