4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2012
Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo sheegay in Muddo kooban lagu xiray Magaalada Berbera ee Somaliland

Sabti, June 09, 2012 (HOL) — Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka cirka, dhulka iyo dekedaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) ayaa sheegay in muddo kooban lagu xiray magaalada Berbera ee Somaliland ayna si xun ula dhaqmeen maamulka garoonka diyaaradaha iyo ciidamadii xiray.

C/raxmaan Dheere oo shalay dib ugu soo laabtay dalka ayaa sheegay in mas'uul ka tirsan maamulka garoonka Berbera ee Somaliland uu amar ku siiyay ciidammo ku sugnaa garoonka inay i xiraan, kuwaasoo igu xiray xabsiga garoonka, muddadii aan gacantooda ku jirayna si xun iila dhaqmay.

"Waxaa dhacday in markii diyaaraddii aan la socday ee African Express ay cago-dhigatay garoonka diyaaradaha ee Berbera uu mas'uul ka tirsan garoonka oo aan labisnayn uu askar garoonka ku sugnayd ku amray inay i xiraan, runtiina si xun ayaa la iila dhaqmay," ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Sidoo kale, wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in mas'uuliyiin ka tisran Somaliland ay safar ku maraan garoonka diyaaradaha ee Muqdihso wax dhibaato ahna aan loo geystay, uuna garan la'yahay sababta loo xiray.

"Madaxda Qaranka waan gaarsiin doonaa arrintan, wabixin ayaana laga soo saari doonnaa, sidoo kalena waxaan kala hadli doonnaa arrintan shirkadda diyaaradaha African Express oo mas'uuliyaddeenna qaadday," ayuu yiri C/raxmaan Dheere.,

Maamulka Somaliland oo horay u sheegay inuu ka go'ay Soomaaliya inteeda kale ayaa horay u sheegay inay xiri doonaan mas'uulkii ka tirsan dowladda KMG ah ee kasoo daga garoommadooda ama soo gala gudaha deegaannada ay ka taliyaan.

Ugu dambeyn, wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay inuu ka mid ahaa mas'uuliyiintii dowladda Soomaaliya ee ka qaybgala shirkii Istanbuul, balse uu soo maray dalka Imaaraadka Carabta uuna uga soo dhoofay Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya