4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2012
Cunto bisil oo la siinayo Haweenka iyo Caruurta Jilicsan oo laga billaabay Qaybo ka mid ah Magaalada Baladweyne


Sabti, June 09, 2012 (HOL) — Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa bilihii ugu dambeeyayba ka jiray ugu yaraan isku-day ay doonayaan hay’addaha samafalka ee ka howlgala Beledweyne in ay ku caawiyaan dadka jilicsan gaar ahaan caruurta iyo haweenka aan mudada dheer helin gargaarkii ay u baahnaayeen.

Hay’adda ICRC oo ka mid ah hay’addaha durbaba ka bilaawday magaalada iyo deegannada ku dhaw dhaw howlaha lagu gargaarayo dadka dhibaateysan, ayaa sidoo kale markii ugu horeysay magaalada Beledweyne ka bilaawday howl quudin ah oo raashin bisil lagu siinayo caruurta miisaankoodu hooseeyo iyo haweenka jilicsan, iyaga oo u sii marinaya gargaarka noocaas ah NGO-ga lagu magacaabo Daryeel Bulsho.

Goobta raashinkan lagu bixiyo ayaa mar aynu booqanay waxaa kula kulannay dad isugu jira haween iyo caruur halkaa ka qaadanaya raashin bisil oo u badan ‘’Mishaari’’ ka kooban raashin isku dhaf ah oo dib u soo celinaya miisaanka caruurta iyo haweenka la liita nafaqo darrada.


Mas’uuliyiinta xarunta Daryeel Bulsho qaarkood ayaa HOL u sheegay in mudo sadax bilood ah ay wadaan howshan lagu quudanayo dadka u baahan, waxaana ay intaa ku darreen in mudadii sadaxda biloow aheyd oo ay howshan ku guda jireen wax weyn oo isabadal ah ka dareemeen haweenka iyo caruurta goobta ka qaata cunada bisil.

Dadka gargaarka ka faa’ideysta ayaa isugu jira dad barakacayaal ah oo horay u degnaa xeryaha ku hareereysan Beledweyne iyo kuwa ku dul saar ku ah qoysas kale kadib markii ay ka soo dhamaadeen xoolihii ay miyiga ku dhaqanayeen.

"Haa subaxa hore ayaa imanaa halkan, mudo sadax biloow ah ayaan imaaneynaa aniga iyo curuurteyda, waan u mahad-celineynaa dadka noo sameeyay xaruntan, waxaana jeclaan laheyn in la sii balaariyo oo gargaarka intaa laga sii badiyo ayeey tiri,’’ mid ka mid haweenka halkaa caruurteeda uga qaada raashinka.

Mas’uuliyiinta NGO-ga Daryeel Bulsho ayaa ugu baaqay hay’addaha samafalka in ay gargaaraan dadka dhibaateysan, gaar ahaan waxaa ay ugu baaqeen hay’adda ICRC oo howshan bilawday in ay sii labo jibaarto, si ay uga faa’ideystaan dad intan ka badan.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya