4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2012
Xaaladda Caafimaad ee Wariye Shariifka oo oo soo hagaagaysa kaddib dhaawac xalay loogu geystay Magaalada Muqdisho

Sabti, June 09, 2012 (HOL) — Xaaladda caafimaad ee wariye Maxamed Shariif oo ka mid ah wariyeyaasha u shaqeeya idaacadda Bar-Kulan oo xalay lagu dhaawacay Muqdisho ayaa soo wanaagsaneysa.

Wariyaha oo xalay lagu weeraray degmada Xamar-jajab xilli uu ku socday gurigiisa ayaa waxaa ku dhacay laba xabbadood, kuwaadoo middoo ay uga dhacday laabta halka midda kalena ay uga dhacday caloosha.

"Xaaladda caafimaad ee Wariye Shariifka way soo wanaagsanaysaan, waxaana laga saaray beer-yarada," ayuu yiri mid ka mid ah suxufiyiintii kale oo isbitaalka geeyay Shariifka, iyadoo miyirka wariyuhu uu joogo.

Maxamed Shariif ayaa wuxuu noqonayaa wariyihii labaad oo Muqdisho lagu weeraro kana badbaada isku day dil oo lagu qaarijin lahaa, iyadoo wariyihii ka horreeyay oo ahaa Muxyadiin Xusni oo Idaacadda Shabeelle ka tirsanaa ay laabta la saftay mid ka mid ah rasaas lagu furay oo la doonayay in lagu dilo.

"Saddex nin ayaa weerartay Maxamed Shariif waxayna doonayeen inay dilaan, balse markii xabbadaha ku billaabeen ayuu baxsaday, taasna waxay keentay in laba ka mid ah 10-xabbadood oo lagu furay ay ku dhacaan," ayaa laga soo xigtay dadkii ku sugnaa goobta lagu weeraray wariyaha.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarka, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in kooxaha wariyaha weeraray ay ciidammo ka tirsan kuwa DKMG ah rasaas aan waxyeello u geystan ku fureen.

Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa lagu dilay sannadkan oo kaliye saddex wariye oo wariyihii ugu dambeeyay la dilay dhammaadkii bishii lasoo dhaafay ee May, taasoo muujinaysa khatarta ay ku jiraan wariyeyaasha ka howl-gala.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya