4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2012
MAXAMED DHEERE: "Ururka Al-shabaab waa boog ay Dadka Soomaaliyeed iska goyn wayeen ciddii goynaysana waan soo dhaweyneynaa"

Sabti, June 09, 2012 (HOL) — Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo soo qabtay xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho ayaa lacagihii la dul-dhigay saraakiisha Al-shabaab ku sheegay inuu soo dhaweynayo; isagoo ku tilmaamay mid guul u ah Soomaaliya iyo calaamka oo dhan.

Maxamed Dheere ayaa sheegay inay gacan siinayaan cid walba oo la dagaalamaysa Al-shabaab, wuxuuna xusay inay Mareykanka kaga mahadcelinayaan go'aanka uu lacagaha ku dul-dhigay toddoba ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-shabaab.

"Al-shabaab iyo ragga lacagaha la dul-dhigay waxay ahaayeen boog ay Soomalai iska goyn wayday, cidii ka goynaysana waan soo dhaweyneynaa," ayuu Maxamed Dheere ku sheegay war uu saxaafadda siiyay.

Xukuumadda Washington ayaa waxay maalin ka hor dul-dhigtay 33-milyan oo dollar oo abaalmarin ah ciddii soo sheegta halka ay ku sugan yihiin toddoba hoggaamiye oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo uu ku jiro hoggaamiyaha guud ee kooxdan.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir hore wuxuu ku taliyay in hoggaamiyeyaasha Al-shabaab ee la dul-dhigay lacagaha laga qaado tallaabadii laga qaaday Saalax-Nebhaan oo kale, taasoo uu sheegay inay gacan ka geysan karto in Al-shabaab laga cirib-tiro dalka oo dhan.

"Sababta lacagaha loo dul-dhigi waayay, Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Cali Dheere oo ka mid ah saraakiisha Al-shabaab waa inay iyagu soo sheegaan halka ay ku sugan yihiin ragga la raadinayo; iyagana lama dhaafi doono," ayuu yiri Maxamed Dheere.

Dhanka kale, dhaqaalaha lacageed ee la dul-dhigay hoggaamiyeyaasha Al-shabaab ayaa waxaa soo dhaweysay dowladda KMG ah, iyadoo ku sheegtay inay tahay mid soo afjari karta jiritaanka Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya