4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 8 , 2012
Ciidamada Dowladda oo falal isugu jira dil iyo dhac ka geystay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose

Jimco, June 08, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugna degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ayaa xalay iyo maanta falal isugu jira dil iyo dhac ka geystay degmadaas, xilli ay maalmihii ugu dambeeyay dadka ku nool degmadaas ay ka cabanayeen dhibaatooyin ay kala kulmaan ciidamada dowladda.

Goobjoogayaal ku sugan degamda Afgooye ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ku dileen xalay degmadaas wiil dhallinyaro ah, kaddib markii ay ugu galeen gurigiisa, iyadoo aan la ogeyn sababtay ay ciidamadu dilkaas u geysteen.

"Xalay waxaa degmada lagu dilay qof rayid ah, sidoo kale saakay waxaa laba nin oo gaari-dameerro wata ay ciidamadu dowladdu taleefoonno kaga qaadeen mid ka mid ah xaafadaha degmada," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada oo HOL la hadlay inkastoo uu diiday in magaciisa aan xiganno.

Sidoo kale, goobjooguhu wuxuu sheegay in ciidamada dowladda ay dhibaatooyin ku hayaan shacabka ku nool degmadaas, isagoo sheegay in dhaca dadka loo geysto uu ka yahay degmada mid faraha kasii baxaya.

"Degmada Afgooye toddobadyo ka hor waxay ahayd meel nabad ah oo habeen iyo maalin la socon karo, balse hadda maalintii xitaa waa la baqyaan, waayo wixii aad wadato oo dhan waa lagaa qaadanayaa," ayuu yiri goobjoogahaas.

Falalkan ayaa waxay imaanayaa xilli ay saraakiisha dowladda KMG ah uga digeen ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Afgooye iyo deegaannada u dhexeeya inay joojiyaan dhibaateynta shacabka, askarigii lagu helo isagoo dadka dhibaato u geysanaya laga qaadi doonno tallaabo adag.

Ma jiro hadal kasoo baxay saraakiisha dowladda KMG ah ee degmada Afgooye ku sugan kaasoo ku saabsan dilka ay xalay ciidamada dowladdu u geysteen mid ka mid ah dhallinyarada ku nool degmada Afgooye iyo dhaca ay saakay ciidamadu geysteen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya