4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 8 , 2012
Ra'iisul wasaarihii hore ee Somalia oo ku baaqay in la sameeyo Guddi Madaxbannaan oo diyaariya doorashada Madaxnimo ee dalka

Jimco, June 08, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ku baaqay in la sameeyo gudi madax-bannaan oo qabanqaabiya doorashada madaxnimo ee dalka oo dhacaysa bisha Ogoosto ee sannadkan.

Mudane Farmaajo oo la hadlayay saxaafadda Muqdisho ayaa ka hadlay marxaladda kala guurka ah isagoo ku baaqay in la sameeyo guddi madax-bannaan oo qaban-qaabiya doorasha madaxnimaad dalka si looga fogaado cadaalad-darro iyo musuq-maasuq dhaca.

Sidoo kale, Farmaajo wuxuu sheegay inay lama huraan tahay in guddigan la dhiso, isagoo hadalkiisa ku daray in loo baahan yahay in qaab cadaaladeed ay wax walba u dhacaan, dalkana laga saaro marxaladda kala guurka ah.

"Waxaa jira shaki ku aaddan in madaxda DKMG ah ee Soomaaliya ay ku howlan yihiin arrinta ergada ansixinaysa dastuurka iyo soo xulidda baarlamaanka cusub, si ay mar kale isugu soo sharraxaan xilka madaxnimo ee dalka," ayuu yiri Farmaajo oo sheegay in madaxda hadda ay u hanqal-taagayaan inay xilkaasi qabtaan, isagoo hoosta ka xariiqay in sida keli ah ee looga gudbi karo shakiga jira uu yahy in guddi madax-bannaan oo doorashada ka shaqeeya la dhiso.

Ugu dambeyn, Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu hambalyo u diray ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo maalmihii dambe Al-shabaab ka qabsaday dhul ballaaran oo ay kaga sugnaayeen Koonfurta Soomaaliya, isagoo sheegay in guulahaasi ay yihiin kuwo taariikhi ah oo laga gaaray dagaalka lagula jiro argagixisada Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya