3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 8 , 2012
Saraakiisha Ciidamada AMISOM oo sheegtay inay dullaan ku yihiin Gobollada Bay iyo Shabeellada Dhexe

Jimco, June 08, 2012 (HOL) — Jen. Ugadi Kiki oo ka mid ah saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalkooda uu sii socon doono ayna ku wajahan yihiin deeggaanno ka mid ah gobollada Bay iyo Shabeellada hoose.

Sarkaalkan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qorshahooda koowaad uu ku wajahan yahay degmooyin ka tirsan gobolka Bay, markaas kaddibna ay u dhaqaaqi doonaan dhinaca gobolka Shabeellada dhexe, gaar ahaan degmada Balcad.

"Qorshaheenna koowaad waa inaan ciidammo geyno Baydhabo, markaas kaddibna waxaan u dhaqaaqi doonaa dhinaca degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe," ayuu yiri Jen. Kiki oo sheegay in howgalladoodu aysan joogsan doonin inta ay dalka oo dhan ka saarayaan Al-shabaab.

Jen. Kiki, wuxuu sheegay in degmada Afgooye oo toddobaadyo ka hor ay ka qabsadeen Al-shabaab ay xaaladeedu wanaagsan tahay, balse ay jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye ay ka jiraan xaalado ammmaan-darro uuna u baahan yahay sifeyn.

Degmada Afgooye oo 30-km u jirta Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca mararka qaar iska-horimaadyo u dhexeeya ciidanka DKMG ah gaar ahaan booliiska iyo milateriga kuwaasoo ay ka dhashaan khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kalena dadka degmadaas ku nool ayaa waxay ka cabanayaan falal ammaan-darro oo ay kula kacaan ciidamada dowladda, iyadoo saraakiisha dowladduna ay sheegeen inay ciqaabi doonaan askarigii lagu qabto isagoo dadka shacabka ah dhibaateynaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/8/2012 7:58 AM EST
Jimco, June 08, 2012(HOL): Waxaa magaalada Lund ee dalka Sweden ka furmay shirka Lund oo ah shir sanadle ah, iyadoo sanadkanna la qabtay sanadkii 11aad. Shirka ayaa sanadkan looga hadlay arrimaha Ammaanka iyo Nabadda dalalka Geeska Afrika.

6/8/2012 4:31 AM EST
Jimco, June 08, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugna degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ayaa xalay iyo maanta falal isugu jira dil iyo dhac ka geystay degmadaas, xilli ay maalmihii ugu dambeeyay dadka ku nool degmadaas ay ka cabanayeen dhibaatooyin ay kala kulmaan ciidamada dowladda.

6/8/2012 4:23 AM EST
Jimco, June 08, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ku baaqay in la sameeyo gudi madax-bannaan oo qabanqaabiya doorashada madaxnimo ee dalka oo dhacaysa bisha Ogoosto ee sannadkan.

6/8/2012 4:18 AM EST
Jimco, June 08, 2012 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii Soomaaliya, Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ku sugan Nairobi ayaa wariyeyaasha u sheegay in Soomaaliya aan nabad laga dhalin karin iyadoo aan la dhisin ciidamaa xoogga dalka.

6/8/2012 4:17 AM EST
Jimco, June 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dalbaday odayaasha dhaqanka ee beelaha Soomaalida inay gacan ka geystaan wadahadallo dhexmara dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Somaliland.