4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 7 , 2012
Diyaaradaha Dagaalka ee dalka Kenya oo duqeymo ka geystay deegaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose

Khamiis, June 07, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno deegaanada ku yaalla galbeedka gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha nooca dagaalka ee Helicopterska loo yaqaan oo ay leedahay dowladda Kenya ay duqeymo xooggan ka geysteen deegaano dhowr ah oo hoostaga degmooyinka Badhaadhe iyo Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Goobaha ay diyaaraduhu duqeeyeen ayaa waxa kamid ah deegaanada Buuloxaaji, Sedex Lugood iyo Santaaro oo hoostaga degmooyinka Kismaayo iyo Badhaadhe, waxaana la sheegay in duqeymahani ay ahaayeen kuwo xooggan.

Illaa imika ma cada khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi, mana jiraan masuuliyiin katirsan dowladda Kenya oo ka hadlay duqeymaha ay diyaaradahooda ka geysteen gobolka Jubada Hoose iyo weliba khasaaraha ka dhashay.

Dhanka Al-shabaab ilaa imika ma jiro wax war ah oo ku aadan duqeymahaasi oo kasoo baxay, waxayna duqeymahani kusoo beegmayaan xilli xiisado dagaal oo aad u xooggan ay ka jiraan gobolka Jubada Hoose.

Duqeymahani ay diyaaradaha Kenya ka geysteen gobolka Jubada Hoose ayaa qeyb ka ah howlgallo ballaaran oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo ka socda gobollada Jubooyinka, kuwaasoo looga soo horjeedo xoogagga Al-shabaab ee iyagu gacanta ku haya inta badan degmooyinka Gobollada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya